Raali-gelin war si qalad ah ugu soo baxay Mareegta Waaheen oo laga soo xigtay Somalilandtoday oo ku saabsanaa Musharanimada C/casiis Samaale

0
95

Waaheen waxay raaligelin ka bixinaysaa war si qaldan ugu soo baxay Mareegta Waaheen oo uu daabacay website-ka Somalilandtoday, kaasoo ku saabsanaa in Musharax C/casiis Maxamed Samaale la Jaal noqday (la heshiiyey) Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis, kaasoo ay isku bahaysanayaan musharaxnimada Xisbiga Kulmiye.

samWarkaas oo Waaheen ka soo xigatay Somalilandtoday isla markaana caddaysay inay  soo xigatay, waxaanu ka raaligalinaynaa cid kasta oo maqaalkaas ku soo baxay waaheen akhriday isla markaana ay arrintaasi shaki galisay, iyadoo Waaheen ay caddaysay in C/casiis Samaale aanay ka soo xigan oo ay weyday si ay wax uga weydiiso.

Bahda Waaheen waxay caddaynaysaa C/casiis Samaale in uu u taagan yahay Musharaxnimadii Madaxtinimo ee Xisbiga Kulmiya kaasoo sida aad la socotaan shalay la iclaamiyey in shirkiisii golaha dhexe qabsoomayo 10/Nov/2015-ka.

C/casiis Maxamed Samaale oo ku sugan Hargeysa isla markaana ka soo noqday safar uu ku joogay Dalka Kenya ayay ujeedadiisa ugu weyni tahay sidii uu u bilaabi lahaa Ololaha loogu tartamayo musharaxnimada xisbiga Kulmiye kaasoo shirka Golaha dhexe lagu dooran doono bisha November.

Samaale waxa uu ka mid yahay Musharaxiinta sida rasmiga ah ugu dhawaaqday in uu sharaxan yahay, halka Maxamed Biixi Yoonis, Muuse Biixi iyo musharaxiin kale na sidaas oo kale u cadaysay, waliba waxa isaga u dheer sababaha uu xilkii wasiirnimo ee uu hayey uga tagay inay ahayd in uu u madax banaanaado musharaxnimadiisa.

Wararkii ugu danbeeyey ee ka soo baxay go’aankii xisbigu ku muddeeyey shirweynihiisa ayaa iftiiminaya in Samaale iyo musharaxiinta kale ba bilaabeen Olole balaadhan oo ay ugu diyaar garoobayaan tartanka, waxaanu durtaba soo if baxaya Loolan adag oo dalka oo dhan uga bilaabmay musharaxiinta.