Madaxweynaha Somaliland oo Hambalyada Munaasibada Ciida Diray

0
60
Hargeysa(Waaheen)madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shacabka somaliland iyo guud ahaan dadka muslimiinta ah ku hanbalyeeyey munaasibada ciida barakaysan ee Ciidal Fidriga.Madaxwyenaha somaliland oo  goor dhawayd qasriga madaxtooyada ka soo saaray warsaxaafadeed uu ugu hanbalyeynayo shacabka somaliland iyo dadka muslimiinta ah ayaa waxa uu dhignaa sidan “Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu shacbiga Madaxweynuhu leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.

 

 

Aamiin              Aamiin              Aamiin

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,

Axmed  Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.