Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye oo lagu dhawaaqay xiliga la qabanayo

0
100

Hargyesa(Waaheen)Shirwaynaha Golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa loo mudeeyay inuu qabsooma 10/11/2015 oo ku beegan maalin salaasa ah ,waxana ku dhawaaqay guddomiyaha Xisbiga Muuse biixi cabdi oo ay hareera joogaan Madaxwayne ku xigeenka Saylice,Guddomiye ku xigeenka xisbiga Maxamed kaahin iyo xoghayaha xisbiga ,xildhibano ,iyo siyaasiyiin tiro badan oo kale Ka hor intaanu ku dhawaaqin muddada shirka Golaha dhexe ee xisbiga wuxuu ka hadlay qodobo tiro badan ugu horayuna wax uu sheegay in Musharaxa Madaxwayne ee xisbigu yahay Madaxwayne silaanyo waxa kale oo uu carabka ku dhuftay saddex qodob :-

xisbi1

1. Wuxuu jawaab ka bixiyay hadal dhawan ka so yeedhay Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh , kaasi oo uu ku shegay in Somaliland ka mid tahay ka so qayb galayaasha shirka federaalka , Isla markaana ay ka fikirayaan farsamaday ku iman lahayd.
Wuxu farriin ugu diray , In Somaliland tahay tahay qaran 24 sanno horumar iyo badhaadhe ku talaabsanayay , adduunyadana ictiraaf ka sugaya , isla markaana aanay marnaba suurto gal ahayn in laga laabto go,aanki shacbiga iyo dasturki ay ugu codeeyeen 97%.

2. Dhacdadii golaha wuxuu ku shegay inay ahayd nasiib darro , Waxaanu caddeeyey in bulshadu dhacdadaa ka qiimaysay Taxamulka ( Sabirka iyo dulqaadka ) uu shakhsi siyaasi ahi u leeyahay bulshadiisa iyo cidda ay hawl wadaagta yihiin , waxaanu masuuliyad darro ku tilmaamay gacan ka hadalki guddoomiyaha Golaha.
3. Arrinta haamaha shidaalka wuxuu sheegay inay wax lala yaabo tahay in Golaha wakiiladu go,aan ka gaadho heshiis qabyo ah oo aan weli ka so dhammaan xukuumadda , waxaanu sheegay in qaylada mucaaradka ka baxaysa ay tahay mid siyaasadaysan.
Ugu dambayna wuxuu ku dhawaaqay waqtiga rasmiga ah ee shirka Golaha dhexe ( Nov 10 , 2015 ) , isagoo sheegay in xisbi ahaan ay ku farxsanyihin in bulshadoo dhan ay u dhag taagayso dhawaaqa xisbiga isla markaana ay muujinayso rajada ay umaddu ka naawilayso xisbigan guunka ah.

Warkan oo faahfaahsan goordhaw kal soco shabakadan Somalilandtoday.com.