Haamaha Berbera waa halbowle, halbowlenna ilaalin ayuu u baahanyahay!!!!

0
88

Sidda qormaddii koobnayd, ee Afka qalaadda aan ku muujiyey, waxaan halkan shacabka ku soo gaadhsiinayaa badheedhahayga iyo sharciyadda Dalka oo mahiim ah in aan laysugu fulin sidda aan u kala muruq weynahay, oo ku dhisan awoodaha Dowladnimo, ee shacabka reer Somaliland si waddajirka oo gudboon u wadda hoos hadhsanaayo had iyo jeer.
Xukumaddu xaq ayey u leedahay maamulka hogaanka dalka, oo sharciggu uu xaq u siinaayo habsami u socodka hawlaha Qaranka iyo fulintoodda, oo loo maraayo dastuurkeenna iyo sharcigeenna aynu dhiganay.
Xukumaddu xaq ayey u leedahay fulinta iyo soo bandhigidda qorshayaal cad cad oo cadaalad, waddajir iyo Qarannimo ku dhisan, kuwaasi oo lagu maamulaayo dalka iyo hantidiisa guud ahaan, si muwaadinku ugga wadda faa,iideysto, isla markaasinna ayna noqon kuwo dhinac ka raran oo cid gaara sedbursi siinaaya.
Kiraynta Haamaha Berbera sharci ayey Xukumaddu u leedahay, laakiin umay marin waddo xora oo xalaala fulinta heshiiskaasi iyo bixinteedda ee cid gaara oo ay wadatey ayey dusha kala kortay.
Arintaasi may ahayn mid doodeedda iyo tartankeedda muwaadinka reer Somaliland XUKUMADDU si toosa u soo dhex dhigay, laakiin shacabku waxuu qabaa inay tahay arin cid gaara lala jeclaaday, oo aan lagu tartansiin muwaadinka aan raalidda ka ahayn in xaqoodda lagu duudsiyo qaab aan dalkan iyo dadkan nasteexo ugu jirin marnaba.
Halka dhinaca kale ay ahayd in aad loo rogroggo saamaynta iyo dhibaatadda shacabka ay ku geeni karaan, haddii Haamahaasi cid gaara gacanta loo geliyo, oo iyaggu ay awoodda isticimaalid yeeshaan.
Shaki kuma jiro in shacabka reer Somaliland dhuuxis iyo feenasho ku tahay bixinta Haamaha Berbera, oo qiimaha shiidaalku cirka isku shareeri doonno, markuu gacanta dadkaasi Haamahu ku dhaco.
Waxaa lagu cuno-qabataynayaa Ganacsatadda yar yar ee ka xoogsata keenidda iyo iibinta shiidaalka, oo xaquuq dastuuriya dalkoodda iyo maamulkiisa ka mudan, si ay dalka ugga ganacsadaan oo fursaddaa u helaan.
Dadka Haamaha Berbera la siiyey qof kama garanaayo, manna jecli in aan ogaaddo, laakiin waxaan qaab ay muwaadinimo ku dheehantahay kagga soo horjeeddaa Bixinta yacyacoodkaa ee Haamaha Berbera cid gaara gacanta loogu gelinaayo.
Shacabku waxuu xaq u leeyahay inuu diiddo qorshe kasta oo sharcigga iyo qawaaniinta dalka u taalla la waafajin, ama lagu fool eryo qaab sharcidaraa oo eex, asxaabnimo iyo Qaraabaysi ku dhisan.
Gudoomiyaha Barlamaanka Cabdiraxman Cirro isku Xisbi iyo isku Beel midna ma nahin, laakiin muwaadinnimo iyo Qarannimo ayaa na kulmisa, taasi oo gar waxuu u leeyahay aanan ku duudsiyi Karin Hayb, Deegaan iyo Xisbinimo midna.
Gudoomiyaha Baarlamaanku dhacdadaasi waxuu ku helay kalsooni iyo taageero aad u weyn oo diidsita qorshahaasi uu ummadda kagga helay, xataa qaybaha Xukumadda.
Cay, Ceebayn iyo dagaalba wuu ku mutaystay is hortaagga qorshahaasi, laakiin Ummaddu waxay qaylo dheer ku beyaamisey inuu Gudoomiyahu ku saxanyahay joojinta qorshahaa la tahriibinaayey ee Ummadda la doonaayey in lagga hoos dusiyo.
Haseyeeshee, shacabku Gudoomiyaha waxuu u muujiyey taageero weyn iyo kalsooni, ay daaha ka feydey, walaaca iyo werwerka shacabku ka qabo cawaaqib xumadda ay keeni karto Bixinta Haamaha Berbera oo cid gaara si xoog xoogga, oo sharcidaraa gacanta loogu geliyo.
Waxaan arkaayey meelo lagu maagaayey Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi qani, oo la leeyahay hayb ayuu garabka ku saaray Cabdiraxman Cirro.
Suldaanku horta dee Suldaan Habar Yoonis uun Suldaan u ah maha, ee waa Suldaan Ummadda oo dhan Suldaan u wadda ah, oo milgo weyn iyo karaamayn hufan mudan. Manna aha dad wax magaratii inay ku karaamo dilaan dhacdo fikirkiisa uu xaqa u leeyahay uu ka dhiibtey, isagoo eegaaya maslaxadda iyo cuqaalnimadda cod dheeridda mugga weyn uu ku leeyahay, oo ah hogaaminta Bulshadda reer Somaliland guud ahaan, waanna mid aan ciddi duudsiyi Karin Suldaanka ama aan sharafkiisa lagu wiiqi Karin oo nin xumi meel xun u jiidanaayo.
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qarani waa Salaadiintii Xukumadda taageersanaa, ee weliba miisaanka weyn lahaa. Markaa haddii uu fikirkiisa taladda Qaran ka dhiibto, madax-dhaqameedkii shalay weligga ahaa, ma maalin ayuu orgome ku noqday, oo nin qaloocani ku sifayn karaa inuu inaadeerkii garabka saaray, waar waxaasi hadal maha, ee tanac-tanac ayaan u arkaa iyo liidnimo nin ragga loogga fiicanyahay.
Waxaasi caqli maaha, dadnimo iyo dowlad taageeridna maha, ee Salaadiinta sharafkoodda iyo karaamadoodda yaan meel lagagga dhicin, oo nin aan aayatiinka danbe daaqadi uga furnayni uu ka daalacdaa, dhaqanka iyo karaamadda ummadda god dheer ku tuurin.
Anigga oo Xisbigga Kulmiyaa oo Xukumadda taageera, oo Wadani iyo UCID midda ahayn, ayaa leh Haamaha Berbera sharci looma marin ee sharcigga hala waafajiyo.
Ummaddu haddii ay wax diiddo yaan magacyo iyo naanayso loo samayn ku dhisan Beel iyo belaayo kale.
Sharciggu Cabdiraxman Cirro iyo Cali midna ma yaqaanno ee dariiq uu jeexay ayaa la raacayaa, ninkii dariiqaa dhianac ugga leexdaa, waa nin ummadda isku dilaaya, oo xaalad abuur iyo midnimo daro abuuraaya.
Gudoomiye Cirronna waa inuu arkaa Qarankiisii oo ku taageeraaya talaabadda saxdaa, waa inuu arkaa rag Xukumadda ka tirsan iyo Xisbigeedda oo leh, waar waxaasi waa khalad.
Kiraynta Haamaha Berbera ee la leeyahay 11 milyan oo doolar ayaa lagu kireeyey, oo 6 milyan oo ka midda waxaa dib loo gelinayaa Haamaha Berbera.
Waxaa aniggu musuq ayaan u arkaa iyo boob ummadda lagu boobaayo.
Horta ninkan madaxweyne Axmed Siilaanyo ee dalka madaxweynaha ka ah, ummadda cid ka cabanaysaa ma jirtee xagee ayey belaayadda, musuqa iyo maroorintu dalka kagga jirtaa?
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro shacabku amuurtaa aad ayuu ugu taageeray, ee ninowna ha ku karaamo seegin.
Xaajadunna yeyna noqon xoog aynu ku jiidhsiinno iyo xoog aynu ku diidno ee sharciggu waa inuu noqda midka hawlaheenna Qaran hogaamiya had iyo jeer.
Dadka aan garan Karin dowladnimadda iyo waddajirka ummadda, ee mudnaanta koowaad had iyo jeer leh, yeyna Afxumadda dhinac walba u saydhin oo Salaadiinta iyo mageynadda lagu karaamo dilin marnaba.
Xukumadunna waxaan bislayn oo yacyacoodda, oo arin dhalinyaranimo iyo xaawaley ka muuqato yeyna iskala boodin, ee shilinta iyo qodaxda dibadda ha lagagga soo dhameeyo.
Shacabku qorshahaa timir laf baa ku jirta ayey yiraahdeen, oo diidney ayey yiraahdeen, ee ma Dubaabaddo ayaa loo dalbanayaa.
Dalka qorshahiisu yaanu noqon saacad ku taajir iyo sanad ku taajir ee waa n hantidda ummadda masuuliyad weyn layska saaraa, nin walba jeebkiisa waa la ogaaye.

Cabdilaahi John