Gabiley Iyo Guusha CIRRO By Mukhtar Cilmi‏

0
47

Waa ta hore e, midnimadda ay muujiyeen bulshoweynta GABILEY Mudane C/raxmaan CIRRO waxay seeska u sii adkaynaysaa hiigsiga guul uu Xisbigu ka gaadho doorashadda soo socota. Waxaan hambalyo u soo jeedinayaa dhammaan shakhsiyaadkii arrintaa ka shaqeeyay, Illaahayna ku guuleeyay. Waa ta labaad e, marka arrin la isku qabto waxa qurux badan in la isqanciyo, iyada oo daraf kasta loo tilmaamayo meelaha uu ku saxsan yahay ama meelaha uu ku khaldan yahay. Ta ugu muhiim sani ee qof shakhsiyadiisa iyo karaamadiisa kor u qaadaa waa inuu garto halka maslaxadu ku jirto. Badhisaabka u fadhiya SILAANYO Gobolka Gabilye (Shiine )wuxuu bulshadda gabiley ku laalushayay in ay caayaan CIRRO si u raali galiyo madaxtooyadda !,laakinse bulshoweynta Gabiley ka diiday arintaas taageero balaadhana u muujiyay dagaalka CIRRO iyo madaxtooyadda. maadaama oo wadanku doorasho gali doono 2017 waxa la hubaa in doorashadaas uu ku guuleysan doono C/raxmaan CIRRO . Taas waxa caddayn u ah waxqabadka uu sameeyay golaha baarlamaanka inta imika xilka u hayay, kuna kasbaday kalsoonida shacabkiisa.
Waxa kale oo guushaas Madaxweynaha caddaynaysa inuu yahay hogaamiye taariikh marna aan la ilaaweyn ku leh Somaliland iyo waliba isaga oo leh hogaamin wadareed ka madhan qabyaalad. Mudane CIRRO waa nin hogaamiye ah oo fikirka u hayo xisbiga WADDANI iyo Shacabka guul ayay u tahay qarankeena suubaan ee manta u baahna badbaadin ,badbaadintiisana oo musharax oga yahay Mudane C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.Guntii iyo Gabogabadii, midnimaddu waa furaha guusha.

By Mukhtar Cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com