Cisbitaalka Abdaal oo 3 Cisho u Xidhan Shaybaadh la’aan

0
115

Saaxil(Waaheen)Cusbitaalka Degmada Abdaalka ayaa mudo sedex cisho ah aan lagu samayn wax shaybaadh ah sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaankaasi iyo shaqaalaha Cisbitaalku, waxaanay sheegeen in qaybta shaybaadhka ee Cisbitaalka Abdaal uu u xidhay yahay Dhakhtar guursaday mudadaa 3-da cisho ah kaasi oo samayn jiray Shaybaadhka.

isuduwaha Wasaarada Caafimaadka baaruud Cabdiraxmaan Abokor oo ah shaybaadhayste ayaa la jaar ah dhakhtar hase yeeshee aan waxa hawl ah ka fulin iyadoo ay Cisbitaalka ku suganyihiin dad deegaano fog ka yimid oo aan helin adeegii ay u baahnaayeen.