Ciidamo la sheegay in la tuulay Dawga sheekh + Ujeedada.

0
149

Sheekh(Waaheen)-Ciidammo boliis oo Tiro Badan Ayaa Xalay Lageeyay Buuralayda Degamada Sheekh oo Katirsan Gobolka Saaxil Ciidamadaasi Oo uu Hogaaminaayo Taliye Kuxigeenka Qaybta Ee Gobolka Saaxil Jaamac Xuseen (Jaamac Jaqaaq) Taasi oo loo sababaynaayo Ciidamada Lageeyay Inay Dowladu Cabsi Kaqaaday In Laxidho Marinka muhiimka U ah Isku Socodka Gobolada Somaaliland  Waxaana Ciidamadaasi Ladejiyay Dowga Sheikh Dhexdiisa Oo ay Gaaf Wareegayaan

Arranitani ayaa Kadanbaysay Dadib Markii Xukuumada Somaaliland Xalay Si rasmi ah u shaacisay inay heshiiskii ay lagashay shirkadaha shidaalka keena uu dhamaaday oo dhowaan lagu wareejindoono Haamaha shidaalka ee Berbera waxana dhawaaqaa kasoo baxay wasiiro kuxigeenada wasaaradaha xanaanada xoolaha Cali Gadh Dheer iyo W/Xigeenka Wershedaha Cali Dhegoole Ayaa Shacabka Reer Saaxil Ugu Hanjabay Inay Cidii Kahadsha Wareejinta Haamaha Ay Xabsiga U taxaabi doonaan Waxaana uu Hadalkaasi Kasooyeedhay Wasiiro Kuxigeenadan ku Abtirsada Gobolka Saaxil kacadhaysiiyay shacbiga kudhaqan somaaliland gaar ahaan gobolka saaxil Hadaba Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne axmed siilanyo ay u muuqata xukumada dhagaha ka furaystay shacabkii soo doortay