Xukumada Somaliland Buurtaasi Gacan Libaax ka kiraysay mid ka mid ah wasiirada Imaaradka

0
135

 

thumbHargeysa(Waaheen)  Wafti aan ujeedadiisa aan cadeyn oo doraad dalka soo gaadhay ayaa Shalay Booqday Buuraleyda Callaa-cule gaar ahaan buurta Gacan-libaax, waftigan oo uu horkayey Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland Ambassador Baashe Cawil Cumar ayaa waftiga Imaaradka geeyey buraahasi.

Waftigan Imaaradka ka socda ee uu hogaaminayo Maxamed Kit ayaa ujeedadooda socdalkooda warar kala duwan ka soo baxayan iyada wararka qaar sheegayaan in biyo xidheen weyn ka sameynayaan Dooxa Waaheen oo ka mid ah dooxyada waaweyn ee dalka ku yaal, halka wararka qaar sheegayaan in xukumada Somaliland Buurtaasi Gacan Libaax ka kiraysay mid ka mid ah wasiirada  Imaaradka, isaga oo wasiirkasina soo dirsaday sarkaal ka tirsan wasaradaasi, halka warka qaar sheegayaan in ay u socdeen Dekeda Berbera oo Imaaradku doonayaan in ay maalgaliyaan.

Dhanka kale safiir Baashe ayaa waftigaasi ku sheegay in ay u yimadeen dalka siddii ay u indho indhayn lahayeen deeqdii dadka aabaruhu ku dhaceen ee reer Somaliland ugu deeqen imaaradku.