War Deg Deg ah: Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo guddoomiye ku-xigeenkiisa oo dagaal gacan ka hadal ah golaha hortiisa isku fara saaray

0
86
shirgudoonka-wakiilladaHargeysa(Waaheen) fadhiga golaha wakiiladda ee saaka oo ahaa mid xaasaasi ah ayuu wariyaha waaheen ee ku sugan fadhiga Golaha wakiiladdu ku soo waramayaa in uu dagaal ka dhex qarxay Guddoomiyaha Golaha wakiiladda C/raxmaan Cirro iyo ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax.Wariye C/raxmaan Isbatoore oo goob joog ka ah kulanka golaha wakiiladda ayaa sheegay in C/raxmaan Cirro feedh ku bilaabay Guddoomiye ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax, waxaanu intaas raaciyey inay dhulka isla gal gasheen oo ay feedh iyo sabaaxad golaha hortiisa isla rafteen.Illaa hada khasaaraha ka dhashay gacan ka hadalka Guddoomiye Cirro iyo Baashe lama soo sheegin, hase yeeshee wuxuu dagaalkoodu bilaabmay kadib markii Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaanada xukuumadda taageersani Mooshin keeneen golaha, kaasoo cirro markii loo dhiibay uu golaha xidhay, hase yeeshee Baashe iyo xildhibaanadiisa ayaa diiday, waxaany taasi keentay in uu Cirro Feedh ku qaad qaado Baashe.

Xaaladda Golaha Wakiiladda ayaa buuq hadheeyey, wixii war ka soo kordhana Isbatore ayaa inoo soo gudbin doona.