Qisadii Dameerka.

0
315

qisoWaxa layidhi Dameer ayaa nacay magaciisa(Ximaar).wuxu ka fekeray magaca uu ku bedeli lahaa, wuxuu ku bedeshay Kaluun.waxuu soo qaatay boodh uu ku qoray magaciisa cusub ee(Kaluun).
waxuu soo galay kayntii,nasiib daro magacii cusba looguma yeedhin,lakiin magcii hore logu yiqiin ayaa loogu yeedhay(Yaa Ximaar).waxuu yidhi layma yidhahdo Ximaar,ee waxa lay-yirahda Kaluun.
Boodhkan akhriya ii sudhan qoorta.

Habr-dugaagii waxay yirah deen,anagu waxaan kuu naqaan Ximaar,weligana lagu odhan jiray.wuu cadhooday wuuna ka tegay,waxuu sameeyay aag bedelasho,aagii cusba waxu kula kulmay Dayeer.
Dayeerkii waxuu hadal ugu soo horaysiiyay,waar Kaluun xagee ka timid.waxuu yidhi waxan ka imid aaga Hawdka,waxan ka soo cadhoday Dur-joog xun-xun,wayo aniga oo Kaluun ah ayay iigu yedhan yaa Ximaar,yaa Ximaar,yaa Ximaar.

Dayeerkii waxuu yidhi, Aniguba waan yaabay,waxaan lahaa Kaluun kii maxaa ka soo saaray Baddii. markaa Duurjoogtu denbi ma leh,waayo waxay ogyihiin in Kaluunku ku nolyahay Badda,Berigana aanu ku noolan karin.sidaa awgeed waa in aad Kaluun yahow,ku noolatid Baddii aad ku noolayd,si lagugu yeedho Kaluun.Dameerkii intuu ciyay!oo ciyay!oo farxay,ayuu orday ilaa uu ka galay Baddii oo ku qaraqmay.ujeedada qisadani waxay ku cadahay Gebo-gebada Maqalka.

Gebo-gebo:

Waxan ognahay in Xisbiga Kulmiye,yeeshay Musharaxiin bulshadu ogtahay,iyo kuwo aanay ogeyn.
Nin waliba waxuu leeyahay,damac weyn oo siyaasiya.qoorta waxa u sudhan boodh,lagu xardhay Musharax.waxa muhim ah in lays waydiiyo:Ujeedada Boodhka ka danbaysa maxay tahay?Qoorta yaa Boodhka u sudhay?maxay ku danbayn Musharixiintu?kuma iyo kumaa Badweynta siyaasada ku qaraqmi doona?Kumaa ka badbaadi doona Qaraqa?Xisbiga Kulmiye ma ka badbaadi doona Bur-Bur?dhibi ma inooga iman kartaa khilafka kulmiye?Goormuu dhaman doona khilafku?Dorasho ma qabsomi doonta?