Madaarka Hargeysa oo la keenay Qalab Cusub Diyaaradaha Riixaya + SAWIRO.

0
141

qalabHargeysa(Waaheen)Madaarka magaalada Hargeysa ayaa lagu soo kordhiyey qalab cusub ,kaas oo lamid ah kuwa ay ku shaqeeyaan madaarada Caalamiga ahi.

qalabkan ayaa ah nooca lagu magcaabo Bush Back oo ah qalabka lagu riixo diyaradaha,gaar ahaana marka la doonaayo in la baarkin gareeyo,iyada oo hab qiyaasan lagu dhigaayo meelaha Baarkinada ah .
qalabkan ayaa shalay soo gaadhey madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ,sida uu xaqiijiyey maamulaha madaarka Hargeysa oo qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa Facebook-ga ku sheegay in qalabkani soo gaadhey madaarka.
waxaanu qoraalkani u dhignaa sidan:-
“Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa lagu jiro casriyaynta iyo tayaynta qalabka loo isticmaalo handalinka diyaaradaha ayaa maalintii shalay ahayd waxa madaarka Egal airport la keenay qalabka loo yaqaano “bush back” oo ah qalab inaga caawinaya in diyaaradaha si dhib hore iyo dabo si dhib yar loogu riixo.
…………………
Waa mahad alle iyo wax lagu farxo waxqabadkuna waa soconayaa oo ma istaagayo gobay liic oo ha jabin”