Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Khudbadd Ku Saabsan Caqabadaha Iyo Fursadaha Horyaala Ictiraafka Somaliland Ka Jeediyey Jaamacadda Gollis

 

 

“Waxay Aniga Iigu Muuqataa Shakhsiyan In Ictiraafkeenu Aanu Dheeraan Doonin, Wax La Inoogu Diidaana Aanu Jirin, Waxa Ugu Weyn Ee Aanu Isku Mashquulinaa Wasaarad Ahaan Waxa Weeyi….” Maxamed Biixi Yoonis

 

Gollis 7Hargeysa (Waaheen) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa mukhaadiro (lecture) ku saabsan Caqabaddaha iyo Fursadaha uu haysto Ictiraafka Somaliland (challenges and opportunities of Somaliland quest for international recognition) ka jeediyey xalay Jaamacada Gollis ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa Munaasibaddaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa uu ku qaadaadhigay mawduucaasi kor ku xusan, waxaana soo qaban qaabiyey ardayda barrata culuumta siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah (department of political science and international relations) ee Jaamacadda Gollis University ee Magaalada Hargeysa.

Ugu horayn waxa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku soo dhaweeyey Madaxa Kulliyada Culuuma Siyaasada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Jaamacada Gollis Professor Cismaan Abokor, kaas oo ka waramay taariikhda iyo waxbarashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu halkaasi daaha kaga fayday in Wasiirku uu hadda diyaarinayo shahaadada sare ee PHD-da oo uu waddo isuna diyaarinayo inuu dhamaystiro.

Intaa ka dib waxa hadalka la wareegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxaanu guddo galay mawduucii khudbadiisu (lecture) uu ku saabsanaa waxaanu ku bilaabay “Sidaad ogtihiin shacbiga Somaliland waxa uu goostay inay gaar isku taagaan 1991-kii, markaa ay goosteen inay gaar isku taagaan dabcan burbur ayay ka soo baxeen oo dagaalkii ayay ka soo baxeen, magaalooyinkii oo burbursan ayay yimaadeen, waxay isku dayeen inay dalkoodii nabad iyo xasilooni keenaan, inay dalkooda dhistaan sidii Somaliland ay cagaheeda iskugu taagi lahayd.

Run ahaantii waxyaabaha ay maanta Somaliland gaadhay waxa ugu mudan oo aad odhan kartaa waa nabadd, sidaa la’idiinku sheegay anigu waxa aan ka shaqaynayey nabadda (peace-ka) ama arimaha ku lugta leh xalinta khilaafaadka (conflict solution) todoba sano ayaan joogay Daafuur iyo Qaza, waxaan dhawr sano la taliye ka ahaa Caruusha oo aan u joogay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee (ICC), markaa maadaama oo aan khibrad baddan u lahaa nabadda iyo qiimaha ay leedahay, waxa aan aad iyo aad idiinku bogaadinayaa in nabaddu ay tahay aasaaska (base-ka) nolosheena oo hadaynaan nabad iyo xasilooni aynaan haysanin aynaan meelna gaadhi karin oo ay tahay in horta aynu nabadeena adkaysano, waayo hadaan nabadi jirin ictiraafna ma imanayo horumarna iman maayo, markaa qadiyada ugu weyn ee aynu u baahanahay in aynu is fahamsiino oo ay ahaato waxa inagu weyni inay tahay nabaddeena iyo xasiloonideena inaynu wax kasta ka horaysiino oo aynu ku dedaalno inay tahay saldhigii nolosha aynu maanta ku noolnahay oo maadaama oo aad tihiin dhalinyaradii waddankan in aad ku dedaashaan in aad ka shaqaysaan nabadda.

Somaliland waxa aad odhan kartaa waxyaabo badan ayay qabsatay oo ay ka mid tahay Dimuqraadiyadu, doorashooyin ayaa dhacay, Madaxweyneyaalbaa is bedelay, wax alaale iyo wixii ku lug leh inay dawladdi lahaato way samaysatay oo hay’addihii (Institutions-kii) ayaa jira, Jaamacadihiibaa jira, Bileyskii ayaa jira, Milatarigii ayaa jira, Calanbaynu leenahay, Lacagteeniibaa socota, Cashuurtii ayaynu qaadnaa, Cusbitaaladii ayaa jira, markaa wax alaale iyo wixii shuruudo dawladd looga baahnaa ee ay lahayd waynu samaysanay oo sidii ay dawladdi u dhaqmaysay ayaynu u dhaqanaa, hase yeeshee Ictiraaf ma haysano.

Maxaa lagu qiyaasada Qaran (State)? Waxa lagu qiyaasaa khaasatan marka ay shuruudaha ay buuxiso, gaar ahaana waxa la soo qaataa Convention-kii 1933 ee (The Montevideo Convention of the 1933), markaa Convention-kaasi waxa uu sameeyey inuu qeexo waxa ay tahay Qaran (State), markaa waxa uu sheegaa in State-kaasi uu lahaado Dad, waa inuu xuduud mucayin ah yeeshaa, waa inuu dawladd

lahaadaa jirta oo shaqaynaysa, waana inuu lahaada awood uu heshiisyo kula galo dawladdo kale, kuwaasi waa afarta shuruudood ee ugu waaweyn ee ay dawladdi yeelato Somalilandna afartaasi shuruudood way buuxisay, xuduudahana waynu leenahay oo waliba inagu maynaan dhigin ee gumaystihii ayaa dhigay, oo aynu xuduudo la wadaagno Djibouti, Somalia Iyo Ethiopia, isla markaana aynaan kharibin xuduudihii uu gumaystuhu dhigay, waxaad odhan kartaa xuduudo mucayin ah ayaanu leenahay, waxa kale oo aynu leenahay Heshiisyo (agreements) aynu la galno dawladdo kale oo waad la socotaan inta badan waxa aad aragtaan aniga oo dawladdo heshiisyo la saxeexanaya haba ahaato Ethiopia oo aan imika dhawaan la saxeexanay Barnaamijka Barnaamij ugu weyn oo ah (bilateral agreement) ka dhaca Somaliland iyo Ethiopia in waxa Corridor lagu tilmaamo ee Jidkan Togwajaale ilaa Addis Ababa, Tareen Berbera ilaa Diridhaba socda, biyo, laydh, markaa heshiisyo farabadan ayaanu la saxeexanaa shirkaddo, dawladdo iyo dad badan oo jira.

Markaa waxa aanu leenahay awoodaa aanu heshiisyo kula saxeexano ama kula gaadhno dawladdo farabadan iyo ururadoodii iyo safaarado badan oo dawlado badan matala ayaa halkan jooga oo safaaradaa wadankan degan, markaa cilaaqaad ayaanu ilaa hadda wadnaa.

Hase yeeshee, inkastoo aynu shuruudihii buuxinay ilaa hadda ma haysano Ictiraaf buuxa (De-jure recognition), balse ilaa imika waxa aynu nahay oo aynu haysanaa waxa ay ugu yeedhaa (De-facto recognition).

Hadaba Maxaa Haysta Ictiraafkeena? Halkeese aynu u maraynaa?, waxa ugu horeeya in inagu aynu is-Ictiraafno oo aynu dalkeena nabadgalyadiisa ilaashano, oo uu jiro midnimo dalkeena iyo dadkeena ah (internal cohesion), waxaa jirta dawladeena iyo dawladihii horeba ay dedaal farabadan ay ka sameeyeen sidii ay Ictiraafkaasi u raadin lahayn.

Waxay aniga iigu muuqataa shakhsiyan in Ictiraafkeenu aanu dheeraan doonin, Ictiraafkeenana aynu heli doono wax la inoogu diidaana aanu jirin, waxa ugu weyn ee aanu isku mashquulinaa Wasaarad ahaan waxa weeyi in horta wadankaasi arimihiisa hadayn ahaan lahayd Dhaqaalihiisa ee caalamku uu ku tilmaamo (economic developments) aad xoojiso oo shirkadaha iyo dawladaha waxa aad kala saxeexanaysaan ay bataan.

Waxaad la socotaan 2005 waxa Somaliland yimid wefti ka socda Midawga Afrika (AU-da), waxay AU-du tidhi Kiisma Somaliland wuu ka gadisan yahay siisaska dawladahaa kale, runtiina waynu ka gedisanahay oo maynaan ahayn sida Sudan iyo South Sudan, iyo Eriteria iyo Ethiopia oo kale inaga oo xor ah ayaynu tagnay, markaa wadan xor ah oo u tagay wadan kale oo hadana soo noqday, wax ay inoogu diidaan ma jirto ee run ahaantii waxa yara jirta baqdin ay ka baqayaan inay ina Ictiraafaan”.

Intaa kadib ardaydu waxa ay Wasiirka waydiiyeen Su’aalo tiro badan, waxaanu wasiirku uga jawaabay arday kasta su’aashii uu weydiiyey oo ku saabsanayd Ictiraafka Somaliland caqabadaha hortaagan iyo fursadaha uu haysto.

Filed in: Radio Waaheen, Videos, Waaheen News

You might like:

Hannaankii wax lagu dooran jiray ma hayno
Faa’iidada Ay Qaranka U Leedahay Wakaalada Xabkaha Iyo Faleemka Somaliland
Dowladda iiraan oo ku guulaysatay tijaabada gantaal nooca satellitka
Cilmi-baadhayaashii Nigeria oo kala bar la dilay
Daawo: Madax dhaqameedka Beesha Ciise oo Baaq Adag diray
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo Booqday Ciidanka Dab-demiska
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.