Xisbiga Waddani oo Cambareyey Xadhiga lagula kacay Ururka Hiliblayaasha

hlacHargeysa (Waaheen) Xog-hayaha Dib-udajinta Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Jaamac Maxamed Hilaac  ayaa Si kulul u Cambaareyey Xadhiga Xukumada Siilaanyo kula kacday Ururka Hiliblayaasha ee Nafaqo ee Magaalada Hargeysa, waxaanu Xukumada ugu baaqay in ay si degdeg ah Xoriyadooda dib loogu soo celiyo dadka ay xidhxidheen loona ogolaado in shaqadoodii dib ay u sii wataan

Xog-haye Jaamac Hilaac waxa uu sheegay in aan la aqbali Karin in neefka Xoolaha ee la qallo in dawlada Hoose iyo Shirkada Maandeeq Saaran Cashuur aanay dadweynuhu qaadi Karin xiligan adag ee lagu jiro.

Xog-hayuhu waxa kale oo uu sheegay in Kawaanka Qaliinka Xoolaha (Slaughter House) iyo gadiidka gura Xoolaha la qallo ay ka mid yihiin  hantida dawlada hoose ee Hargeysa, sidaasi darteedba ay marka hore xaaran ay ahayd in gacanta Kawaanka loo galiyo shirkad macaashdoon ah (Profitable agence).

Waxa kale oo uu sheegay in adeegyada ilaalinta fayo dhawrka hilibka iyo caanuhu ay yihiin masuuliyad ay leedahay dawlada hoose, basle u muuqda in ay maamuli kariwaayen, waxaanu dawlada hoose u soo jeediyey in ay meesha ka saaran, cashuurta xad dhaafka ku ah dadweynaha danyarta ah lana wareegto kawaanka si meesha uga baxdo gacanta saddexaad oo ah mid aan meesha aan qabban.

 

 

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay
© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.