Arday ka tirsan Dugsiga Sare ee Nuuradiin oo kaalinta koowaad u galay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare ee Somaliland

0
33

 

C/raxmaan Maxamed Jaamac oo ah Ardayga ugu sareeya oo ku hogaamiyey 756 dhibcood Ardayda Somaliland

Hargeysa(Waaheen) Arday ka tirsan Dugsiga Sare ee Wiilasha ee Dugsiyada Nuuradiin Schools ayaa ku guulaystay kaalinta koowaad ee Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiyadda Sare ee Somaliland, kaasoo keenay 756 dhibcood, halka Ardayga ku xigay oo ka tirsan Dugsiga sare ee Imaam Shaafici oo ku yaala Gobolka Gabilay uu keenay  755 dhibcood.

Sidoo kale, Saynab Axmed Maxamed oo ka tirsan Dugsiga sare ee Hablaha ee Nuuradiin Schools ayaa gashay kaalinta sideedaad ee Hablaha Somaliland, halka Ardayda Dugsiyada Dhexe ee Nuuradiin ay keeneen kaalmaha ugu horeeya ee Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Dhexe.

Mulkiilaha Dugsiyada (Nuuradiin schools) Mahad Ibraahim Maxamed oo ka hadlay Guusha ay Ardayda Dugsigiisu ka soo hoysay Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare/dhexe ayaa soo dhaweeyey  Guushaasi, waxaanu ku tilmaamay inay tahay arrin ay filayeen, isagoo xusay inay ka jawaabeen Ardaydiisu tacabkii ay galiyeen mudadii ay wax-barayeen.

Sidoo kale, Mahada waxa uu u mahadnaqay waalidiinta Ardayda Dugsigiisa ee keentay darajada sare isagoo ku hambalyeeyey dedaalkii ay galiyeen ubadkooda, waxaanu guud ahaan hambalyo taas la mid ah u diray Ardayda Dugsiyada Nuuradiin.