Dhalinyaro reer Hargeysa ah oo taageeray Xildhibaanada Golaha ee ka soo horjeestay Xeerka Doorashooyinka

0
74

Hargeysa(Waaheen) Qaar ka mid ah dhalinyara caasimada Hargeysa ayaa waxaa ay tageero la xidhiidha saamiga qaybsiga golaha wakiilada u muujiyeen xildhibaanada ka soo jeeda Awdal, Salal IYo Gebilay.

 

Munaasibad lagu taageerayey xildhibaanadan oo ka qabsoontay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galaydhalinyaro faro badan, qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobaladaasi iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah dhalinyarada munaasibadan soo qaban qaabisay oo ka hadashay kulankan ayaa  waxaa ay xukuumada somaliland  , gudoomiyaha golaha wakiilada iyo aqoon yahanka  somalilandba ugu baaqeen in hoos loo eego cabashada ay xildhibaanadani ka muujiyeen saami qaybsiga saamiga lagu soo dooran doono xildhibaanada goboladaasi.

Sidoo  kale waxaa ay dhalinyaradani sheegeen in ay ku tageereen xildhibanada  ka soo jeeda gobaladaasi diidmada ay ka muujiyeen xeerkaas ku meel gaadhka ahaaa waxaana ay dhamaan bulshada somaliland ugu  baqeen in ay ka qeyb tqaataan sidii xal waara oo laga raali yahay loogu heli lahaa .

Dhinca kale qaar  ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobaladaasi oo halkaasi ka Hadley ayaa waxaa ay ugu horeyn u mahad celiyeen dhalinyaradii kulankaasi soo abaabushey waxaana ay shegeen in xeerkaas markii hore lagu soo doortey u ahaa xeer ku meel gaadh ah  isla markaana aanu aheyn mid siinaya xaqooda gobal ahaneed  .

Waxaa ay xukuumada somaliland iyo bulshada somalilandba ugu baaqeen in ay ka qeyb  qaatan sidii arintaasi xal  loogu heli lahaa isla markaana ay ku kalsoon yahiin  xal kasta oo arintaasi laga soo saaro isla markaana siinaya waxa ay xaqa u leeyihiin