Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland oo Beenisay in Dawlada Hoose laga joojiyey Kabkii

khadka.jpgHargaysa(Waaheen)Wasiir Ku xigeenka Maamulka iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Axmed Cadare ayaa waxba kama Jiraan ku sheegay Wararka Sheegaya in Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland Joojiyay Kabkii Dawladaha Hoose Lasiin Lasiin Jiray,Markii Ay Xisaab Xidhkii lix Biloodka Ahayd Soo gudbin Wayeen.

 

Hanti Dhawrka ayaa laga wariyay inuu Joojiyay toddobo Degmo Kabkii Ay dawladu Siin jirtay Kuwaas oo Kala Ah Sida uu Baahiyay Wargayska Himilo,Berbera,Burco,Ceerigaabo iyo Oodwayne,Wasiirka Ayaa cadeeyay inaanay wali Waxba Soo gaadhin,Balse Cidii Qortay Looga Baaha yahay in Ay soo cadeyeen.

 

Wasiirka oo HadhwanaagNews Khadka Taleefanka Kula Xidhiidhay ayaa Bayaamiyay inaanu wali Warkaasi haynin,waxbana Wali soo gaadhin Qoraal uu qoray Hanti dhawrka Somaliland waxaana uu yidhi.

 

“Warkaas Mahayno,Haday Qoreena iyaga ayaa Xaqiijin Doona,Lakiin Anaga wali waxba Namay Soo gaadhin,Warkaas Cidii keenta ayaa looga fadhiyaa in ay Soo cadeyeen waxba Kama jiraan.ayuu yidh isaga oo War intaas kaa Faah-faahsan Ka gaabsaday inuu yidhaah.

 

Xeerka Goleyaasha Deegaanka Xeer No. 17, gaar ahaan QODOBKA 89aad oo ka hadlaya XISAAB XIDHKA GOLAHA DEGMADA oo sheegaya in Xisaab-xidhyada Goleyaasha Deegaanku noqdaan qaar ku muddeysan Hal bil, saddex bilood ama Sannad isla markaana ay u gudbinayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo leh hubinta iyo sixidda shuruucda Xisaabaadka, halka Xafiiska Hanti-dhowrka Guudna loo gudbinayo Nuqul ka mid ah Xisaab-xidhka.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Hannaankii wax lagu dooran jiray ma hayno
Faa’iidada Ay Qaranka U Leedahay Wakaalada Xabkaha Iyo Faleemka Somaliland
Dowladda iiraan oo ku guulaysatay tijaabada gantaal nooca satellitka
Cilmi-baadhayaashii Nigeria oo kala bar la dilay
Daawo: Madax dhaqameedka Beesha Ciise oo Baaq Adag diray
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo Booqday Ciidanka Dab-demiska
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.