Isgaadhsiinta casriga ah oo saamayn taban ku yeelatay hawl maalmeedka Hay’adaha Dawladda

0
39
Madax iyo Minjo waxa lagu mashquulsan yahay Mobilada iyo adeegyada soo kordha subax kasta
socialHargeysa(Waaheen) Adeegyadda kala duwan ee shirkadaha Isgaadhsiintu ku soo kordhiyeen dalka gaar ahaana kuwa xidhiidhka bulshada ayaa saamayn taban ku yeeshay Hawl maalmeedkii xafiisyada Dawladda, waxaana soo kordhaya in shaqaala weynaha iyo madaxda Dawladduba ku mashquulsan yihiin isticmaalka noocyada kala ah Facebook, Twitter, Yuotube, What’sup, Snapchat, Skype, Fiber, Imo, iyo kuwo kale oo ay dadka qaarkood isticmaalaan.Xukuumadda Somaliland ayaa isku dayday dhawr jeer inay samayso nidaam shaqo oo ay ku kantaroosho isticmaalka adeegyadan oo khatar weyn ku keenay hanaanka ay u wada xidhiidhaan masuuliyiinta Dawladda iyo inay xogta isku gudbiyaan nidaam loo sameeyey, hase yeeshee mar na muu suurogalin in ay u hogaansamaan nidaamkaas inay isticmaalaan.Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa bilowgii ay talada la wareegeen aas aastay hay’adda xalinta iyo horumarinta isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada, iyadoo ay jirto wasaradda Boosaha iyo Isgaadhsiintu. Sidoo kale waxa magacyo iyo shaqooyin kuwaas la mid ah laga aas aasay wasaaraddo kale, sida warfaafinta, Madaxtooyadda, Qorshaynya Qaranka iyo wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha.

Wasaaradahan iyo hay’adahan loo abuuray inay wax ka taraan sidii ay qaranka ugu sahli lahaayeen adeega Tiknoolajiyada casriga ah ayaan illaa hada wax faa’iido ah kusoo kordhin in ay xafiisyadu u isticmaalaan si hufan ama isku xidhan, waxaanad arkaysaa iyaga oo aan isticmaalayn farsamooyin badan oo loo sahlay, kuwaas oo yaran lahaa siro badan iyo kharash.

Caqabadaha ugu waaweyn ee jira waxa ka mid ah inaanay gabi ahaanba nidaamka loo smaeeyey isticmaalin, tusaal ahaa waxa jira Emailo min wasiir illaa Agaasime loo sameeyey si ay ugu wada xidhiidhaan, balse magac ahaan mooyaane ma jiro cid adeegsata Email-daasi, waxaanay wali ku shaqaynayaan inay wakhti badan ku lumiyaan inay xafiisyada isaga kala gooshaan, iyagoo isticmaalaya Shiidaal ama tamar ay ka maarmi lahaayeen.

Dhinaca kale, na waxa ay arrintani xukuumadda ku keentay muran iyo awood kala jiidasho u dhaxaysa hay’adaha iyo wasaaradaha kala duwan ee uu kulmiyo magaca Tiknoolajiyada sida Xafiisyada Qorshaynta, madaxtooyadda, Xidhiidhka Golayaasha, Warfaafinta iyo wasaarada boosaha, kuwaas oo mid ba magacaas u isticmaalo in uu ku qadhaabto marka ay yimaadaan fursado dhaqaale, maadaama Dunidu isugu biyo shubatay isgaadhsiinta casriga ah.

Sidoo kale, waxa tiih galay qaabka wadashaqayneed ee shirkadaha madaxa banaan ee Isgaadhsiinta iyo xukuumadda, maadaama aanay xad lahayn ama aanay jirin hay’ad Dawladeed oo shaqadaas si gaar ah ugu magacaaban, isla markaana aan fulin Karin aqoonta ay xirfadani u baahan tahay, marka ay dhacaan dhibaatooyin lagu fuliyey isgaadhsiinta casriga ah.

Waxa dhacay kiisas badan oo sida dunidaba loogu galo isgaadhsiinta casriga ah loogu galo Somaliland, waxaanay kiisaskaasi marka ay tagaan hay’adaha sharciga ah ee Booliiska ama Garsoorka ka dhasha murano saamaxa marka la waayo aqoontaas in danbigii lagaga baxsan karo si fudud, halka waxaas oo hay’adood ee Dawli ahi ay kaga isticmaalaan Miisaaniyada Kharash badan.

Si kasta ha ahaatee saamaynta taban ee ay isgaadhsiinta casriga ahi ku yeelatay hay’adaha iyo shaqaalaha dawladda marka laga yimaado inaanay isku xidhnaanta u isticmaalin waxa kale oo ay arrintani culays ku keentay shaqaalaha oo aan marka horeba haynin qorshe maalmeed ay xafiisyada ka fuliyaan inay hadana arrintan adeegsiga isgaadhsiinta casriga ahi god dheer ku sii riday rajadii laga qabay inay fikiraan, waxaanay taas bedelkeeda wakhtiga yare e kooban ee ay joogaan ku lumiyaan daawashada waxyaabaha aan wanaagsanayn.