Saraakiil ka tirsan Xukuumadda oo Addis ababa u tagay Tababar ku saabsan Liisamada Ganacsiga

0
86
Waxa la barayaa sida aanay shirkadduhu ugu shaqaysan kari lahayn Hal Liisan ganacsiyo kala duwanAddis ababa(Waaheen) laba iyo labaatan sarkaal oo ka tirsan Hay’addaha iyo wasaaradaha Dawladda oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Dr: Muuse Qaasim ayaa u anbabaxay Caasimada Dalka Itoobiya ee Addis ababa halkaas oo ay ku soo qaadan doonaan Tababar la xidhiidha Liisamada shirkadaha Ganacsiga.

Tababarkan uu oo bixinayo Baanka Adduunka ayaa socon doona muddo sadex cisho ah waxaanay saraakiisha ka qayb galaysaa ka kala socdaan Hay’adaha Dawladda gaar ahaan Baanka Dhexe, wasaaradaha Dakhli soo saarka iyo kuwa Dabagalka, waxaanu ujeedka tababarku yahay sidii loogu dhiirin lahaa shirkaddaha Ganacsigu inay ku ekaadaan Liisamada ay qaataan oo kali ah, ama ay imika laga bilaabo qaataan ganacsi kasta Liisankiisa.

Mashruucan ayaa Xukuumadda Somaliland ku soo kordhin doona inay fahmaan ama bartaan Hay’addaha Dawladuu inay ku kantaroolaan Ganacsatada Liisamada ay ku shaqaystaan si ay uga helaan Dakhli ka badan ka ay imika ka helaan ganacsiga ay u sheegtaan oo kali, halka ay jiraan hanacsiyo kale oo ay ku hoos qariyaan halka Liisan ee ay qaateen.

Sidoo kale, Shirkadaha Ganacsiga ayay arrintani iyana ku soo kordhin doontaa inay bartaan Ganacsigoodu in uu yeesho xuduud ama shuruuc maadaama imika ay jaantaa rogan ku shaqaystaan, iyaga oo aan bixin cashuuraha kaga waajibaya Ganacsiyada kale ee ay bulshada kaga dhex shaqaystaan kuwaas oo u baahan inay ka bixiyaan cashuurta si Qaranku u taabo-qaado.