Dhaawaca taliyihii Aaga Galbeed oo loo qaaday Jabouti.

0
41

Hargaysa(Waaheen) Taliyihii Ciidanka qaranka ee aaga galbeedka Somaliland  Gaashaanle sare Xasan Caqli, oo dhaawac culusi ka soo gaadhay ka dib markii askari ka tirsan ciidankiisu uu maanta ku toogtay xero ku taalla Boorame, ayaa galabta loo qaaday cisbitaal ku yaalla dalka Jabouti.

Taliyihii ciidanka qaranka ee galbeedka Somaliland waxa magaaladda Boorame ka qaaday diyaarad khaas ah oo loo diray, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan IRamaax).

Waxa falkan  ku dhintay Sarkaal ka tirsan Ciidanka qaranka Marxuum-Xidigle Faarax Caraalle, waxaanna dhaawac ka soo gaadhay Taliyihii aagga galbeed ee Ciidanka qaranka Somaliland. Ciidanka Qaranka ayaa isla goobtii ku

qabtay askariga dilka geystay oo ku xidhan magaaladda Boorame.Wasiirka Gaashaan-dhiga  Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii sarkaalka geeriyooday isla markaana EEBBE uga baryay inuu dhaawaca ka kiciyo Taliyihii ciidanka qaranka ee aaga galbeedka Somaliland Gaashaanle sare Xasan Caqli. Wasiir Cadami waxa kale oo uu nidar ku maray inay sharciga uu mudan doono askariga dilkan geystay.

Dadweynaha Somaliland ayaa aad naqdiyay dilka saraakiisha ciidammada Milatariga oo ku soo badanaya Somaliland labadii sannadood ee la soo dhaafay, taasi oo Taliyeyaasha askartoodu toogteen ka dhigaysa kii afraad ee noocan oo kale ah.