Muj. Cali Guray oo Faaleeyey Munaasibadii Casho Sarafta ahayd ee qurbo-joogta

0
99

Hargeysa(Waaheen)-Guddoomiye Ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mr. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ku sifeeyay wax lagu qoslo xaflad ay xukuumaddu ay huteel Guuleed xalay ugu samaysay qurbo jooga Somaliland ee ku sugan Hargeysa.

Cali Guray waxa uu xafladaasi iyo hadalladii laga jeediyay kaga dareen celiyay qoraal kooban oo uu ku faafiyay bartiisa Internet-ka. Waxaanu ku yidhi sidan:-

 

“Yaa daawaday xafladii Qurbo jooga loo dhigay ee dhegeystay Wasiirradii ka hadlay madasha iyo farriinta ay u gudbinayeen tiro qurbo joog ah oo marka loo eego tirada qurbo jooga xiligan ku sugan Hargeysa aad u tiro yar een yaabin marka iska wada dabo mareen in xaaladda dalku tahay caadaa oo mubsuud laga wada yahay sida ay xukuumaddani dalka uga hormarisay dhinac walba ee aanay jirin.

Wax ay wanaajisay mooyee waxay seegtay iyo wax ay qaloocisay iyo wax ay dhintay toona. Hada kuwa ay la hadlayeen kamay iman xidigaha dusheena iyo duni kale oo aan ahayn tan aynu ku noolahay ee waa muwaadiniin aan wax ku seeganayn xaaladda dalkooda hooyo. Alahayoow yaraa inta nuxur la’aantooda dheg u raaricisay waxa ka badan inta hoos isu gujinaysay ee qosolka isku xejinaysay.”