Jaamacada Admas oo lagu qabtay Barnaamij lagaga Hadlayey Siday Dhalinyartu shaqo u heli karaan.

0
68

Hargeisa(Waaheen)Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagaga hadlayey sidii ay dhalinyarada ka qalin jabisay jaamacadaha dalku ay shaqo u heli lahayeen ayaa lagu qabtay Magaalada hargeysa oo magic loogay dhigay SIDEE SHAQO LOO HELAA! gaar ahaan xarunta jaamacada ADMAS.

 

Waxaana soo Qaban qaabiyey Jamaacada ADMAS mawduucani oo uu bixinayey khabiir reer Somaliland ah Aqoonyahan Maxamed Cali Bille kaasi oo hoge tusaaleyaal badan siiyey dhalinyaradii halkaasi iskugu timid, munaasibadani oo ay ilyartu is qabsatay ayaa waxay u muuqtay mid ka duwan munaasibadaha kale ee ay dhalinyaradu iskugu timaado.

sidee

 

Waxaana ka soo qayb galay boqolaal dhalinyaro ah aqoonyahano masuuliyeen iyo waxgarad, ugu horayntii waxa halkaasi ka hadlay mukhtaar Maxamed caabi waa bare wax ka dhiga isla jaamacada ADMAS kaasi oo ku dheeraaday taariikh nololeedka Aqoon yahan Maxamed Cali Bille.

 

 

Gudoomiyaha Ku-Xigeenka Jaamacada ADMAS  Pro Xuseen C/laahi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay faaiidada ay leedahay inaad wax ka ogaato hababka shaqooyinka loo helo waxaana hadaladisii ka mid ahaa,gagiga maanta wax iska leh Maxamed cali bille iyo idinka waana farxad in uu Maxamed maanta halkan joogo waanu soo dhawaynaynaa hawshan balaadhan’ Ayuu yidhi Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada ADMAS.

 

 

Waxaana halkaasi is rasimi ah uga bilaambay ujeedka mawdicii goobtaasi loogu talo galay oo ahaa barnaami SIDEE SHAQO LOO HELAA! Magic looga dhigay kaasi oo aad u taabaneyey arday badan oo hamigoodu uu ahaa sidii ay shaqo buuxda u heli lahayeen tusaalayaashii goobtaasi lagu soo ban-dhigay oo ahaa sidii ay ardaydu u dhisi lahayeen rajada iyo himiladooda nololeed iyo waliba sidii ay uga mid noqon lahayeen qaybo bulshada ka dhex muuqda,Kaasi oo wacigi galin iyo guubaaboba u noqotay Dhamaan dhalinyaradii goobtaasi iskugu timid.

 

Gebogabadii waxa halkaasi su aalo la xidhiidha mawdicii goobta lagaga hadlayey ku waydiiyey ardayda jaamacada ADMAS iyo waliba marti sharaftii kale ee ka soo qayb gashay munaasibda.

 

Barnaamijkani oo ahaa mid wax ku ool ah oo dhalinyaradii goobta iskugu timid wax badan ka faaiiday kaasi oo noqon doona barnaamijyada dhiiri galinta iyo waliba guubaabada badan siiya ardayada kumanaanka ah ee ka soo qalin jabinaya jaamacadaha dalka.