Guddida Tacliinta Sare oo ku Danbaysay halkii ay ku Lib-dheen Guddiyadii xukuumaddu Abuurtay

0
65

Lama hayo dacwad kali ah oo ay gashay halkii Jaamacddii Umadda ee Hargeysi xidhan tahay

Hargeysa(Waaheen) Guddidii Tacliinta sare ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Horumarinta Tacliinta Sare ayaa Libi-dhay illaa hadana lama hayo meel ay ka soo jeedo oo ay wax ku qabatay, halka Jaamacaddii Umadda ee Hargeysi u xidhan tahay magac xumo guddo iyo Dibedba bulshada Reer Somaliland dareensatahay.

Guddidan oo hoos tagta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare lama hayo hal dacwad ah oo ay wax ka qabatay ama ujeedadi loo abuuray, waxaanay taasi keentay inay isku dhex yaacdo Jaamacaddii hargeysa, halka ay ka qiimo beeshay Tacliinta lagu dhigto Jaamacadaha Dalka qaarkood.

Guudidan oo ka koobnayd dhawr xubnood ayaa waxa ka sii jooga laba Oday oo labaduba markii ugu danbaysay xaaladooda Caafimaad liidato, kuwaas oo aan gudan Karin xilka loo dhiibay amaba haddii aan si kale u dhigno dhaafay xilligii shaqada.

Xukuumadda ayaa u samaysay guddidan Dakhli aad u farabadan oo ay ku maamulaan hawsha loo xilsaaray, hase yeeshee iska daa hawl ay qabtaane ma jirto meel iyo goob loogu hagaago oo fulin karta adeega loo abuuray maadaama ay tahay Hay’ad weyn oo la mid ah heer wasaaradeed.

Caqabado iyo murano la mid ah ta ka taagan Jaamacadda hargeysa ayaa ka dhacay qaar ka mid ah Jaamacadda Madax banaan, halka Jaamacaddaha Dawladda ee Goboladda ay iska yeesheen dad gaar ahi, kuwaasoo u baahnaa in wax laga qabto.

Dhibta ka sii daran ee haysata Xukuumadda iyo Tacliinta Sare waxay tahay, iyadoo Hay’addiiba laga quustay in hadana Madaxweyne Siilanyo u magacaabay khilaafka ka taagan Jaamacadda Hargeysa Madaxweyne ku-xigeenka, taasoo sii murgisay xaaladda oo ka dhigtay inay hogaamiyo beeleedyo dabada ku haya xukuumaddu ay ku Loolamaan oo ay albaabada u xidhaan Jaamacaddii Hargeysa.

Xukuumadda oo Dhamaystiri kari la’ hogaanka sare ee Guddida Hay’adda Maamul wanaaga iyo la-dagaalanka Musuq maasuqa

 

Fadhiidnimada Hay’adaasi waxa ka mid ah Golaha Wakiiladda oo aan Ansixin hogaanka Hay’adaasi oo ka dhiman

 

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda talada haysa ee Kulmiye ayaa Hay’adda Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka Musuq maasuqa abuurtay muddo kadib markii ay xilka la wareegtay kadib markii ay xilal waayeen Kaadariyiin badan oo Xisbiga Kulmiye ka mid ahaa, kuwaas oo meelo kala duwan lagu meeleeyey.

Tan iyo markii Hay’adda Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka la sameeyey waxay soo martay oo la soo darsay caqabado kala duwan, kuwaas oo Dabar ku noqday inay ka midho dhaliso ujeedadii loo abuuray, waxaana ka mid ahaa Xeerka lagu Aas aasay oo in muddo ah dhex wareegayey Golaha Wasiiradda iyo Golayaasha sharci dajinta, kuwaas oo rifay awoodo badan oo xeerka hordhaca ah ku jiray.

Sidoo kale, waxa Dabar ku noqday hogaanka sare ee Hay’adaas oo ka kooban shan xubnood oo Madaxweyne Siilaanyo laba ka mid ah (Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka) soo kala magacaabay laba jeer, halka sadexdii kale ay wali maqan yihiin, taasoo keentay inaanu Golaha Wakiiladdu wali Anisixn Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka magacaaban.

Xeerka Hay’adda la-dagaalanka Musuq maasuqa oo la Ansixiyey ayaa jidaynaya in Madaxweyne Siilaanyo toddoba iyo labaatan cisho gudahood ku magacaabo shanta xubnood ba hase yeeshee illaa hada oo laga joogo ku dhawaad sadex sano wali lama magacaabi sadex ka mid ah, halka labadii kale na loo Ansixin la’yahay maqnaanshaha Sadexda kale.

Hay’adda La dagaalanka Musuq maasuqa iyo Maamul wanaaga ayaa leh Miisaaniyad buuran oo ay ku jiraan shanta xubnood ee Hogaanka sare ah, hase yeeshee dhaqaalaha sadexda xubnood ee maqan lama oga in la qaato iyo in Qasnada lagu reebo, waxaanay u muuqataa haddii la qaato in hay’adaasi jabisay ujeedadii loo magacaabay ee ahayd la-dagaalanka musuq maasuqa iyo Maamul wanaaga.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan Digreeto ku magacaabay xubnihii ka dhinaa Maxkamadda Sare, kuwaas oo la la’aa in la soo magacaabo ku dhawaad shan sano, waxaanay arrintaasi qayb ka ahayd dhaliilihii saarnaa Maxkamadda Sare iyo Garsoorka, hase yeeshee markii la dhamaystiray waxa laga filaaba waa in ay buuxiyaan kaalintii laga filayey.

Si kasta ha ahaatee, su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay maadaama Hay’adan laga filayey inay kaabto shaqada Hanti-dhawraha Guud, waa maxay ujeedada loo dhamaystiri la’yahay sharciyadeeda si ay u fushato Dantii loo aas aasay mise waxay u muuqataa mid ka hor imanaysa eedaha loo jeediyo xukuumadda ee dhinaca maamul xumada iyo musuq maasuqa, arrimahaas oo ay gabtay   Hay’addii Hanti-dhawrka ee hore u jirtay, taasoo aan wax shaqo ah Dalka ka qaban, tan iyo intii la aas aasay Hay’adan fadhiidka la noqotay iyana.