Xildhibaan Kijaandhe oo xaqiijiyey Musharaxnimadiisa Madaxweyne ee Kulmiye

0
36

 Hargeisa (DMN) Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada somaliland.ee ka soo baxay xisbul xaakimka KULMIYE, ahna Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibada ee golaha Wakiilada, ayaa lagu soo waramyaa in uu u taagan yahay musharaxnimada jagada Madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE, sida ay xaqiijiyay illo wareedyo xogoggaal ah oo ka ag dhow xildhibaan Kijaandhe.

Illo wareedyadu waxa ay intaa ku dareen in ay socdaan wada tashiyo hoose oo gooni gooni ah oo loogu gogol xaadhayo shaacinta musharaxnimada xildhibaan Kijaandhe, oo ah xildhibaan magac iyo maamuus heer sare ah ku dhex leh xisbiga KULMIYE, dhexdiisa, iyo guud ahaan bulshada weynta Somaliland-ba.

Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo ay Warbaahintu wax ka waydiisay arintaasi ayaa  xaqiijiyay in uu u taagan yahay musharaxnimada Madaxweynenimada ee Xisbiga KULMIYE, dhexdiisa.

Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe),waxa uu ku dhashay deegaanka Dararweyne, oo ka tirsan Gobalka Maroodi-jeex, waxaanu ka mid yahay aasaasayaashii Xisbiga KULMIYE, waxaanu ka mid yahay xildhibaanada ugu wax qabadka badan ee ku jira golaha wakiilada somaliland, waxaanu inta badan bulshada ka taageera barnaamijyo la xidhiidha horu marinta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, nadaafada iyo dhismayaasha guryaha, waxaana sidoo kale lagu tiriyaa xildhibaanada kalsoonida badan iyo tix gelinta ku dhex leh xisbul xaakimka kulmiye iyo golaha wakiilada ee uu ka tirsan yahay, waana xildhibaan ku suntan wax qabad