Xildhibaanada Galbeedka Somalilaand Oo Ka Hadlay abaaro Ku Dhuftay Gobolada Awdal iyo Salal

0
108

11821974_884453971602300_103370138_oHargeysa(Waaheen)-Xildhibaanada gobalada galbeedka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in wakhtigsan abaaro adagi ay haleeleen xoolo dhaqatada iyo beerladayada gobalada Awdal iyo Salal. waxa ay xildhibaanadu xukuumadda ugu baaqeen inay gurmad deg deg ah la gaadho shacbigaas abaarahu ay halakeeyeen, sida oo kale haayadaha caalamiga ah iyo ganacsatadaba waxa u soo jeediyeen inay gacan ka gaystaan dhib ka sarida dadkooda tabaalaysan. Ugu horayntii xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale) oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi“Galbeed abaarta ka dhacday waa mid aan waligeed ka dhicin walina cid gurmad gaadhsiisay ma jirto, haday dhinaca dawlada tahay haday dhinaca beesha caalamka tahay iyo shacaba, waxaanu cidsanaynaa in dawladu ay gurmad deg deg ah samayso, ganacsatada lacagta haysataana ay gurmad degdeg ah u sameeyaan waa dadkoodii waxa bakhrtiyayaaye, qurba joogtuna ay dadkooda soo caawiyaan, maaha abaarihii la arki jiray,galbeedkana abaari kuma dhici jirine waa tii ugu xumayd maanta, Alle ayaa gacantiisa lagu dhargaaye waxaanu ka baryaynaa inuu alle roob siiyo.” xildhibaan Axmed-daahir Maxamuud Jirde ayaa isaguna uidhi “waxaanu ka hadlaynaa gobalada Awdal iyo Selel abaar ba’an ayaa dad iyo duunyaba saamaysay, Alle ayaa deeqda bixiya ee waxaanu leenahay Allow abaarta ka soo jabi, marlabaadka xukuumada,qurba joogta iyo haayadahaba waxaanu leenahay dad iyo duunba dadkaasu digaday yihiine si guud oo Somalilandnimo ah oo tolnimo ah wax u tara.” xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed ayaa nisaguna halkaas ka yidhi“meeshaas galbeedka waxa ka taagan abaar aan hore uga dhicin, maalin dhawayd ninbaa iisheegayay oo waxa uu yidhi sadex sac oo uu lahaa magaalada intuu yimaado ayuu boorash qaxoontiga uga iibiyay oo midba sacab uu siinayay, waa waxii dadku ay cunayeen, alle ayaynu ka rajaynaynaa inuu ka soo jabiyo, intaaskadibana waxaanu codsanaynaa dadkaas in loo dadaalo oo waxii la tari karaayo la taro.” ugu danbayntiina waxa halkaas ka hadlay xildhibaano kale iyo xoghayaha golaha guurtida kuwaas oo dhamaantood ku baaqay in loo baahan yahay in taageero la’la gaadho dadka abaarahu ay waxyeelyeen xoolahii iyo beerahii ay nolashoodu ku tiirsanayd, kuwaas oo wakhrtigan biyo la’aanina ay soo food saartay.