Marwada Madaxweynaha oo Kormeertay Xarumaha Agoomaha ee Burco + SAWIRO

0
124

Burco(Waaheen)- Marwada Koowaad Ee Somaliland marwo aamina maxamuud jirde ayaa booqasho gaaban ku soo kormeertay Xarunta Agoonta URTA HEEGAN Iyo Xarunta Derbijiifka SOSS ee Magaalada Burco, Waxaanay Marwada ku wehelinaayay Booqashadeeda, Badhasaab kuxigeenka Gobolka Togdheer, Xildhibaan Cabdilaki Xasan Iyo Xildhibaan Bidhi,

Waxaana Marwada Iyo Waftigeeda Halkaasi warbixino kaga dhegaysteen Maamulaha Xarunta Agoonta URTA HEEGAN  Marwo Foosiya Janaale, Xildhibaan Laki Iyo Xildhibaan Bidhi Oo isna Gacanta Ku Haya Xarunta Derbijiifka Burco Ee SOSS,Marwo Aamina Maxamuud Jirde ayaa Umahad Celisay cidkasta oo gacan qabatay caruurtani yar yar ee ku jira xarunta agoomaha iyo derbi jiifka sidoo kalena marwadu waxay ugu balanqaday xarunta derbijiifka inay u iibin doonto gaadhi bas ah oo loogu adeego iyo adhi badan oo ay ukala qaybisay labada xarumood.