Baadariga Hawlgabay ee South Africa oo Dhakhtar lagu celiyey

0
87

desmonBaadariga howlgalka noqday ee u dhashay dalka Koonfur Afrika, Desmond Tutu, ayaa dib loogu celiyay cisbitaal, kaddib markii uu kusoo laabtay caabuq laga daweeyay.

Desmond Tutu ayaa todobaad ku jiray cisbitaal ku yaalla magaalada Cape Town, halkaasi oo looga daweynaya wax ay qoyskiisa ku sheegeen caabuq uga dhacay meel ka hooseysa halka suunka laga.

Waxaa markale cisbitaalka loogu celiyay si loola socdo xaaladda caabuqaasi.

Gabadha uu dhalay ee lagu magacaabo Mpho Tutu, ayaa sheegtay in xanuunka haya aabaheed aanu ahayd mid ka saameeyay qanjirka kaadi-hayste, oo uu inta badan uu haleelo xanuunka kansarka.

Desmond Tutu oo 83 jir ah, ayaa markii hore cisbitaalka la dhigay kaddib markii ay wax u tari weyday sharoobo caabuqa loo siiyay.

Waxaa la filayaa in uu cisbitaalka kusoo nagaado ilaa dhammaadka todobaadkan.