Gudoomiyeaha Kulmiye Oo Hadlay Waqtiga Shirka golaha Dhexe la qabanayo.

0
98
Hargeysa (Waaheen) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Wakhtiga La Qabanayo Shirka Golaha Dhex ee Kulmiye.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Markii aanu anagu doono ee aanu hawlahayaga dhamaysano ayaanu qabsanaynaa, xisbiga keliya ee la garanayo tirada golihiisa dhexe la yaqaano ee shirweyne qabsaday ayaanu  nahay anagu”

Mar aanu waydiinay bal in hadii uu madaxweynuhu ka tanaasulo hankiisa murashaxnimo in uu isagu isu soo taagayo ayaa yidhi “Anagu inta aanu ognahay madaxweynaha ayaa noo sharaxan, arrintayada hore ayaanu dhamaysanay madaxweynaha ayaanu u daynay sanadkan isaga ayaa sharaxan, madaxweynuhu hadii uu yidhaahdo waan ordayaa ama waan

ka fadhiisanayaa isaga ayay taasi u taalaa, hadii uu madaxweynuhu iminka is sharaxana waanu dhisaynaa” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi