Gudoomiye Ciro oo markii ugu horeysay ka hadlay sababta keentay inay Masuuliyiin Iska Casilaan Wadani

0
196
Hargeysa(Waaheen) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Ciro Ayaa Waxaa Uu ka Hadlay  Masuulyiin Maalmihii U Danbeeyey Iska Casilaayey  Xisbigiisa.
Waxaa Uu Si Gaar Ah Uga Hadley Fanaanda Caanka Ah Ee Sahra Halgan Oo  Xalay Iska Casishey Xisbigaasi Gudoomiyaha Oo Arintaasi Ka Hadlaya Waxaa Uu Yidhi “  Marka Laga Reebo Sahra Cid Rasmiya  Oo Xisbiga Is Casilaad U Soo Qortey Ma Jirto  Sahrina Xil Umey Hayen Xisbiga Wadani Balse Gabadh Sharaf Leh Bey Aheyd Waxaa Ay Isku Casishey Baan Filayaa Dee Waa Ganacsato Markaas Cadaadis Faro Badan Ayaa Cid Kasta Oo Wadani Lagu Tuhmo La Saraa   Qolooyinkaas Ka Horeeyey Ee

Baxayna Waxba Odhan Maayo .Balse Waxaan Odhan Karaa Sidaa La Sheegayo Gacanta Xukuumada Iyo Kulmiye Tuhun Badan Baa Jira “ Ayaa Uu Yidhi Gudoomiye Ciro .