Federaalkii oo Maamul Goboleedka Togdheer Kusoo Dhow

0
18
Sida uu dhigayo hiigsiga 2016 Somaliya iyo heshiisyo hoosaadyada Somalia-Somaliland oo ah in nidaamka federaalka la gaadhsiiyo dhamaan gobolada Soomaaliyeed oo dhan. Sidaas awgeed waxa baryahan danbe soo if baxeysa in Nidaamka federaalku uu kusoo dhowyahey gobolka togdheer, kadib markii aqoonsiga maamul goboleedka Khaatumo uu kasoo yeedhey afka safiirada Ingiriiska u qaabilsan Somalia iyo weliba Nikolas Kay iyo Wasiir Odowaa oo ah ergeyga dawlada dhexe ee Soomaaliya u qaabilsan fidinta nidaamka federaaliga ah, Madaxweyne Ali Khalif Galeydhna sifo sharci ah looga soo casuumey dhismihii maamulka Cadaado iyo goobo kale oo sharci ah.
Hadaba waxa is weydiin mudan, Maamul goboleedka togdheer yaa u noqon doona madaxweyne; yaase kamid noqon doona golayaasha dhexe ee maamul;goboleedka togdheer.
Kadib marka uu dhamaado dhismaha maamul goboleedka togdheer, waxa ku xigi doona dhismaha maamul goboleedyada waqooyi galbeed, dabadeedna maamul goboleedka Awdal.
Talaabooyinka ay qaadey dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ilaa haatatan, waxad moodaa kuwo guulo waaweyn oo lama ilaawaan ah u soo hooyey soo celinta midnimada sharciyeed ee Soomaaliya oo weliba isafgarad daleed, dadeed, deeqeed, diineed, difaac iyo dawladeed ay dhamaan eed uga muuqdaan.
Marka dhismaha Federaalku Dhamaado, waxa la gudo geli doonaa qeybinta deeqaha iyo fidinta maamulka, dabadeed waxa loo gudbi doonaa dhismaha axsaabta tirada badan iyo doorashooyinka hal-qof iyo hal-cod.
Gudoomiyaha Golaha Siyaasada Somaliland

Abdi Kara