Maraykanka Oo La sheegay inuu Khaarajiyey Sarkaal Al caadi ka tirsanaa

0
104

Washington(Waaheen)-Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegtay in Muxsin Al-Fadli lagu dilay weerar dhanka  cirka ah 8-dii bishan xilligaasi oo uu saarnaa gaadhi uu ku safrayey.

Hoggaamiyaha la dilay ayaa la sheegay in uu madax u ahaa farac ka tirsan ururka Al-qaacida oo weerarku ku qaaday Mareykanka iyo xulufadiisa.
Hoggaamiye Muxsin ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaal sar sare oo  fududeeyey islamarkaasna lagu wargeliyey intuusan dhicin weerarkii Mareykanka lagu qaaday ee Sept. 11, ee sanadkii 2001-dii.
Sidoo kale wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in hoggaamiye Muxsin uu ku luglahaa weerar bishii October ee sanadkii 2002-dii lagu qaaday ciidanka badda Mareykanka ee ku sugan jasiiradda Faylaka ee dalka Kuwait.