“Qalabka Maamulka Hawada Waxa la kala dhigi doonaa Muqdisho iyo Hargeysa hadii ay Wada Hadaladu Hagaagaan” Wasiirka Duulista Somaliya

0
66

Muqdisho (Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somalia Cali Axmed Jaamac Jaangeli,  ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay dhibaatada ka taagan maqnaanshaha maamulkii Hawada Soomaaliyeed oo wali gacanta ugu jira Qaramada Midoobay, isla-markaana laga maamulo Magaalada Nairobi.

Wasiirka oo u warramayey Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay inuu dedaal ugu jiro sidii maamulka Hawada Soomaaliyeed ay gacantooda markale usoo geli lahayd, isagoo intaas ku daray sharraxaad uu ka bixiyey caqabadda arrintaas hor taagan,“wasaaradda qaybteeda Hawada waxad ogtahay qaybteedii muhiimka ahayd waxa lagu haystaa Nairobi, heshiisbaa la gaadhay in Somalia lagu soo wareejiyo laakiin wali taasi ma hirgelin oo awooddii looga baahna in halkan laga maamulo baan diyaar ahayn, dadkii baan diyaar ahay, qalabkii baan diyaar ahay, ilaahay idinkiina markay hawshaasi dhammaato baa lasoo wareejinayaa.” Ayuu yidhi Wasiir Jaangeli.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in haatan la dalbay qalab casri ah oo suurtogelin karaya in Soomaalidu hawadooda maamushaan, waxana uu xusay in goobaha qalabkaas la dhigi doono ay kamid noqon doonto magaalada Hargeysa haddii labada dhinac is afgartaan, waxana uu yidhi,

“qalabka haatan la keenayaa waa qalab casri ah oo italia laga dalbay, laba Goobood oo qalabkaas laga hagi doono ayaa la samayn doonaa, midna waa Xamar midna waqooyiga ayuu noqon doonaa, waxana aan jecelahay wada-hadallada somaliland lagula jiraa haddii ay hagaagaan inuu Hargeysa Noqon doono. Labadaas goobood oo aad loo qalabeeyo oo lasoo gaadhsiiyo wakhtigan casriga ah ayaa lagu shaqayn doonaa.”

Muranka ka taagan maamulka Hawada Soomaalida u dhexeeya Somaliland iyo Somalia ayaa in muddo ah soo taagnaa, balse hadalka Wasiirkan, ayaa muujinaya in Soo noqoshada Maamulka Hawada Soomaalidu aanu sinaba uga maarmi Karin inay labada dhinac tanaasu ballaadhan arrintan ka sameeyaan.