Dawlada Hoose oo Saaka Fulisay Kala Badalkii Wadooyin Hargeysa

0
133

kala badalHargeysa(Waaheen)  Waxaa Maanta Si Rasami Ah Magaalada Hargeysa Uga Dhaqan Galay Wax Ka Bedel Lagu Sameeyey Hanaanka Wado Marista Ee Jidadka Caasimada .

Hanankan  Cusub Ee Wado Marista Oo Ah Mid Ay Bulshada Saaka ku Wa,aa  Bariisatey  Iyada Oo Ay  Jirtay Wacigalin Ay Sameysay Dawlada Hoose Ee Magaalada Hargeysa .

Hanankan Cusub Ayaa Ah Mid Baabuurta Ka Imaneysa  Dhinca Galbeed Ee Magaalada Hargeysa Ee Ku Socda Dhinca Bari  Ay  Mari Doonan Jidka Weyn Ee Hor Mara Madaxtooyada Halka Dhinca Kale Baabuurta Ka Imaneysa Jahada Bari Ee Ku Socota Dhinca Galbeed Ay Mari Doonan Jidka Dabo Mara Cisbitalka Guud Ee Magaalada Hargeysa

Mayaar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Ahna Ku Simaha   Mayaarka   Cabdicasiis Cago Weyne Iyo Xoghayaha Dawalda Hoose  Ibraahim Axmed Raabi Oo Maanta Warbaahinta Kula Hadley Magaalada Hargeysa Ayaa Waxaa Ay Ka Warbixiyeen Hananka Cusub Waxaana AY Sheegen In  Nidaamkan Cusbi Uu Noqon Doono Mid Ay Bulshadu Ku Reyn Doonto

 

Ugu Horeyna Maayar Ku Xigeenka Caasimada Oo Arintani Ka Hadlaya Ayaa Waxaa Uu Yidhi “Waxaa Aan Marka Ugu Horeysa Aan Halkan Uga Mahad Naqayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Taliyaha Ciidamada Booliska , Taliyaha Taraafikada Waxaana Aan Uga Mahad Naqayaa Sida  Wanaagsan Ee Ay Noola Shaqeeyen Waxaa Kale Oo Aan Halkan Uga Mahad Naqayaa Dad Weynaha Gaadiid Leyda Ah  Ee Ku Dhaqmay Amaradii Naga Soo Baxdey

Waxaa Kale Oo Aan Maanta Halkan Ka Sheegaya In Talaabada  Tan Ku Xigtaa In Ay Noqon Doonto Bas Stop Kii  , Caasimadana Uma Ogalaan Doono (Traffic Jam ) Gaadhi Bas Ah Oo Meel Walba Iska Istaagi Doonana Ma Jiri Doono “ Ayuu Yidhi Maayar  Ku Xigeenka Caasimada Ahna Ku Simaha   Mayaarka   Cabdicasiis Cago Weyne .

Sidooo Kale Xoghayaha Dawalda Hoose Ee Magaalda Hargeysa  Mudane Ibraahim Axmed Raabi Oo Isna Arintani Ka Hadley  Ayaa Waxaa Uu Yidhi “ Hanankan Cusbi Waa Mid Lagu Kala Yareenayo Culeyska Gadiidka Ee Caasimada Hargeysa  Horana Isbadelku Tijaabo Ayuu Ahaa Iminka Kii Rasmiga Ahaa Weeye    Markaas Wax Yaabihii Ka Soo Baxay Is Badelkii Hore Ee Uu Khaladku Ka Jirey Ayuun Baa La Saxaayey  Ilaa Saakana Waanu Kormeereynay   Wanaag Mooye Wax Walba Sidii Loogu Talo Galay Ayey U Socotaa  Ilaa Hada .

Gadiidleyda Waxaanu U Sheegeynaa Dee Iyaga Uun Baanu U Shaqeyneynaa Ee Waa In Ay Nidaamka Ilaaliyaan “ Ayuu Yidhi Xoghayha Dawlada Hoose Ee Magaalada Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi .