Madaxweynihii Hore ee Puntland Faroole oo Barri Hargeysa Imanaya

0
63

farooleHargeysa(Waaheen) Madaxweynihii Hore ee  Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maalinta barri ah Socdaal ku imanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, Safar Faroole ayaan si cad loo ogeyn in uu yahay mid Shakhsi ah iyo in Hawlo kale uu u socdo, Basle Wararka Waaheen helayo  ayaa Sheegaya in Caruurta uu dhallay Cabdiraxman Faroole ay Hargeysa kagaba Soo Horeyeen kuwaasi oo maalmihii u danbeyey ku sugnaa Magaalada, waxaana la tilmaamay in Caruurta Faroole Hargeysa u yimadeen sidii ay u soo booqan lahaayeen Abtiyaashood oo ku nool Magalada Hargeysa.
Alahawnaxariiste Marwadii Cabdiraxman Faroole ee dhawaan Geeriyootay ayaa Asal ahaan ka soo Jeedday Magaalada hargeysa.