Faadumo Siciid Oo Dalka ku soo laabatay kana Hadashay Safarkeeda.

0
91

Hargeysa(Waaheen):- Marwo Faadumo Siciid  Oo Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Ayaa Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabatey Ka Dib Markii In Muddo Ah  Ay Safar Ugu Maqneed Qaar ka Mid Ah Wadamada Dibada .

Faadumo Siciid   Oo Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Kula Hadashey Madaarka Caasimada Hargeysa Ayaa Waxaa Ay Ugu Horeyn Ka War Bixisay U Jeedada  Safaradii Ay Ugu Maqneed Wadamada Dibada Waxaana Ay Tidhi“Safarkeygu Waxaa Uu Ku Saabsanaa Booqasho Aan Soo Booqanaayey Laamaha Dibada Ee Xisbiga Wadani  ,  Mareykanka Iyo Canada Oo Aan Iyagana Tagey Iyo Waliba dalka Jarmalka Oo Aan Kaga Qeyb Galay Casuumad Uu  Noo Fidiyey Xisbul Xaakimka Dalkaasi Waxaana Aanu Kaga Qeyb Galanay Shirkaas 12 Dal Oo Africa Ah “Ayey Tidhi Marwo Faadumo Siciid .

Sidoo Kale Waxaa Ay Ka Hadashey Warqad Ay Dhawaan Baahisay Wakaalada Faafisa Siraha Aduunka Ee Wikileks Oo  Sheegeyey In Xukuumada Somaliland Hishiis Faderaal La Saxiixatey Dawlada Somalia Waxaana Ay Tidhi  “Horta Taas  Markii Horaba Waanu Arkeynay Saan Saanteeda  Meeqaamkii Aanu Markii Hore Ka Joonay Beesha Caalamka Maanta Kama Joogno Meel Kasta Oo Aan Maro  Waxaa Igaga Hor Imaneysay  Somaliland Iyo Somalia Wada Hadlakeedi Midho Dhal Fiican Oo Faderaal Ah Baa Ka Soo Bilaabmaya  Markaas Dee Isha Ayaa Macalin Ah Oo Waad Aragtaan “ Ayey Ku Soo Gabo Gabeysay Hadalkeedii Marwo Faduumo Siciid Oo ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani