SAKAATUL FIDRI. W/Q: C/RAXMAAN CLAAHI WIRDAANI

0
96

Sakaatul fidriga maxaa loo yaqaan waxa loo yaqaan?, qaabkee ayaa loo bixinayaa?, cidda la siinayo sakadu waa ayo?, halka lagu bixinayo waa halkee?, su’aalahaa iyo wixii kale ee la hal maala ayeynu isku dayeynaa inaynu ka jawaabno wixii la hal maala.

SAKAATUL FIDRI

Waa waajib in la bixiyo sida uu cadeeyay Nabigeeni suubanaa (NNKHH), waxayna ku waajibtaa qofkii heli kara xeliga ay waajibto wax ka badan quudkiisa iyo quudka dadka uu masuulka ka yahay, waxayna ku waajibaysaa qof kasta oo Muslim ah Xor, Adoon, Lab, Dhadig, qof wayn iyo qof yarba, dadka dhintay ka hor xeliga ay waajibtay ama dhasha ka dib lagama rabo wax sakaatul Fidriya.

XILIGA AY WAAJIB NOQONAYSO.

Marka laga bilaabo qorax dhaca maalinta ugu danbeysa bisha Ramadaan,waxaana Fidrada bixinteeda ku egtahay marka la tukado salaada Ciidda, waxaana la bixin karaa maalin ama laba maalin ka hor dhamaadka Ramadaanka.

QADARKA LA BIXINAYO QAABKA LOO BIXINAYO.

Inta la bixinayo culimadu waxay ku qiyaaseen 2500gr, waxaana la bixin karaa cuntooyinka aynu isticmaalno sida Bariiska ama daqiida oo kale, waana la bixin karaa dhamaan noocyada kala duwan ee cuntada, qaabka loo bixinayo waxa weeyi in qofka siin karo Fidrada hal ruux ama dad fara badan, mana jirto xili loo bixinaayo hab gaar ah.

MAXAA LOOLA JEEDAA SAKAATUL FIDRIGA.

Sabata loola jeedaa waa in ay kab u noqoto wixii gaf ahaa ee ka dhacay ruuxii soomanaa, iyo in ay u noqoto raashin Masaakiinta iyo Fuqiirada Muslimiinta si ay uga kaaftoomaan baahnaantii haysay maalinka farxadna la wadaagaan umaddooda muslimka ah.