“Calanka Jamhuuriyadda Somaliland ee Xukuumaddu qoraalka ku dhex-feegartay, waa Dhagar Dastuuri ah oo dalka ka dhacday” Boobe Yusuf Ducaale

0
100

“Waran-cadde annaga waxba nooguma baaqi karo, wax allaale wuxuu noogu baaqi karaana ma jiro oo Waran-cadde kuma jiro dadka ay wax ka go’aan ee dalkan ka taliya…” Xoghayaha Saxaafadda Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)

Hargeysa-(Waaheen)- Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa naqdiyey Calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo isagoo Qoraal Taariikh ah lagu qoray lagu arkay goob uu Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde Saxaafadda kula hadlayey 12-kii bishan aynu ku jirno, taasoo uu Boobe ku tilmaamay Xad-gudub iyo Dhagar Dastuuri ah oo Qaranka laga galay in Calankiisa wixii la doono lagu feegaro, isagoo xusay inay tallaabadani qorshe kale dabada ku wadato.

Boobe oo shalay Saxaafadda kula hadlay Xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyaa Indhaha Shacabka keentay qorshe ay rabto in Dastuurka lagu beddelo, isla markaana taariikhda Calanka lagu marin-habaabinayo, sidaa daraaddeedna, Xukuumadda arrintaas fashay aanay waxba la ahayn inay gasho Heshiisyo ay Maamulka Hawada, Qarannimada iyo waxyaabo kale-ba ku wareejinayso.

Waxa uu Boobe Yuusuf Ducaale, sheegay inaanu waxba ka jirin Baaq uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ujeediyey Xisbiyada Mucaaradka ah, kaasoo uu ku sheegay inay Mucaaradku joojiyaan shirarka ay ku baaqeen inay qabanayaan bishan dabayaaqadeeda, kuwaas beddelkoodana ka soo qaybgalaan Shir ay Xukuumaddu qabanayso, waxaanu ku dooday Boobe inaanu Waran-cadde ka mid ahayn dadka taladu ka go’do, sidaa awgeedna farriin uu soo qaadaa macno ay u samaynaysaa jirin Mucaarad ahaan.

“Goobtaa Shirka Jaraa’id uu ku qabanayey waxa yaallay Mambarkan Looxa ah ee laga hadlo iyo Calan Looxaa dhabarkiisa ka taagnaa, Calankaasi wuxu u muuqaal ekaa Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, Liidka ugu hooseeya ee Cas waxa ku qornaa 1960-kii. Calanku Maro maaha, Calanku waa Calan, waa Dastuuri, Afti baa loo qaaday 31-kii May 2001-dii, Dastuurkaasuu ku qoran yahay oo waaka lagu wada joogo ee heshiiska lagu yahay. Qodobka toddobaad ee Dastuurku wuxu odhanayaa; ‘Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxu ka kooban yahay saddex Midab oo isleeg oo Ballaadh u goglan, maaha qaar gudban, Midabka Sare waa Doog ay dhexdiisa ku qoran yahay Tawxiidka oo Fartu Carabi tahay, Midabka dhexe waa Caddaan ay badhtankiisa ku taallo Xiddig Madoow oo shan-geeslay ah, Madaxyo simanna leh, Midabka hoose waa Casaan Saafi ah.” Sidaa ayuu yidhi Boobe.

Xoghayaha Saxaafadda ee Xisbiga WADDANI Mr. Boobe oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Maalmahan waxaa laga hadlayey Wikileaks, xan bay ahayd ayaa la leeyahay, dabadeedna waxa la leeyahay waxa la jabsaday Barihii Internet-ka, Website-yada (Shabakadaha) dawladda Sucuudiga, dabadeedna intaasaa laga soo helay, in Heshiis Qarsoodi ah lagu galay meel-heblaayo oo uu dhex-maray Xukuumadda Somaliland, dawladda Muqdisho iyo dawladda Puntland iyo waxyaabo la mid ah iyo waxaasaa ku qornaa, kiibaa laga qaylinayaa.”

Boobe oo Shacabka la sii hadlaya, sharraxayana sida uu Dastuurka iyo Calanka Qaranku lama-taabtaanka u yihiin, waxa uu yidhi; “Indhihiinna oo shan ah dadweynoow xarun ka mid ah xarumaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, dabadeedna Calankii Somaliland oo Maro ah oo wax allaala iyo wax uu qiimo leeyahay jirin oo ay Xukuumaddu ku qortay oo ku feegartay 1960-kii Dastuurkaa si loo beddelo. Dastuurka labada Gole ma beddeli karaan, Madaxweynuhu ma beddeli karo, Nuur iyo Naalleeyaba haddii loo yeedho oo Jamhuuriyaddu isu wada timaamaddo lama beddeli karo, Afti dadweyne ayaa lagu beddeli karaa.”

Waxa uu Boobe intaas ku sii ladhay; “Maanso uu lahaa Ibraahin-Gadhle oo Tuhun-reeb la yidhaahdo, waxa ku jiray Tududuc odhanaya; “Tuug wuu is-qariyaa, Halka uu ka xado tulud, Tahan buu ka guuraa, Toddobaadkan Xaajoow, Nin Tiriigsitaa yimi. Xukuumadda aynu ku xamanayno ee aynu ku haysanno Wikileaks baa waxaa qortay, waxay inna leedahay-ba; ‘Wakaa Calankii 1960-kii, waxa la inna tusayaa inaynu Calanka wax ku feegari karno oo sidaynu doonno u geli karno, berritana waxaad arki doontaan mid odhanaya; ‘1960-kii kani muu jirin ee waxaan ku qorayaa 1991-kii, mid kale ayaa odhan doona mid cad baa berigaa jiraye kan waxaan ku qorayaa Wakhtigii Marxuum Cigaal la doortay ee 1993-kii. Qiimaha ay Qarannimadu la leedahay Nidaamkan dalka ka talinayaa waa kaas, waa Xad-gudub, waa Dhagar Dastuuri ah oo dalka ka dhacday, qol madoow kamay dhicin ee Indhihiinna hortooda iyo Shaashadaha idinkoo wada daawanaya ayay dhacday, sidaas ayuu Qarankani baylah u yahay.”

Boobe waxa uu sheegay ninka Calanka beddelay inuu wax kasta oo kalena samayn karo, waxaanu yidhi; “Ninka Calanka sidaas u beddelay ee aan u haysannin inuu Dastuurka ku yaallo oo uu weliba yahay Qodobka toddobaad oo Mabaaddi’da guud, bal cidda ka celinaysa Warqad yar oo meel ordaysa inuu wax ku qoro oo saxeexo ama Hawada ha wareejiyo ama Qarannimada ha wareejiyo ama wax kale ha wareejiyee idinka ayaa sheegi doona, halkaas ayaanay xaaladdu taagan tahay. Cid wax ka qaadaysaana ma jirto oo Cabdi Iidaan Faarax ALLAAHA ha u naxariistee waxa uu yidhi; ‘Waxay Dameeri Hooyada, Dabada uga nuugtaa, Debac iyo Isku-hallayn, Ma Dambaabbidhee Garo’..”

Xoghayaha Saxaafadda Xisbiga WADDANI Boobe Yuusuf Ducaale oo la weydiiyey in Wasiir Waran-cadde Mucaaradka ugu baaqay inay joojiyaan Shirar ay ku baaqeen oo ay isugu yimaaddaan Shir kale oo Xukuumaddu waddo iyo waxa ay mawqfikoodii hore ka beddeleen, waxa uu ku jawaabay; “Waran-cadde annaga waxba nooguma baaqi karo, wax allaale wuxuu noogu baaqi karaana ma jiro oo Waran-cadde kuma jiro dadka ay wax ka go’aan ee dalkan ka taliya. Markaa, annagu uma baahnin cid farriimo noo soo qaadda. Arrintii muddo-kordhinta iyo maalinta doorashadu waxay la taallaa Madaxweynaha. Dalka laba Madaxweyne kama taliyaan, dalka Madaxweyne iyo Guurti iyo Madaxtooyo kama taliso, dadku wuxuu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen, go’aan ha ka gaadho.”

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, ayaa Isniintii toddobaadkan mar uu Saxaafadda la hadlay sheegay in haddii Xisbiyada Mucaaradka ahi wax isla hayaan iska daayaan aflagaaddada iyo cayda Xukuumadda, taa beddelkeedana looga baahan yahay inay dood toos ah la soo hor-fadhiistaan Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya. Su’aal hadalkaas laga weydiiyey Boobe waxa uu kaga jawaabay; “Waxaannu arrintaas u aragnaa cid Allaale ciddii wax ka go’aan ee dadweynaha hortiisa imanaysa diyaar baannu u nahay, laakiin cid farriimo sidda diyaar uma nihin.”