WARYAA MASAAJIDKA CIYAARTA KA DAA!!!!!‏

0
77

Dhaqan ahaan soomaalidu waxay aad u tix galiyaan magaca iyo mansabka had iyo goorna marlkay wax qiimaynahayaan labadaasi ayey u badan tahay qalabka ay wax ku qiimeeyaan hadana af ahaan waxay muujiyaan inaanay jeclayn labadaasi waana kala maan.

 

 

 

Hadaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa masaajid iska taagay oo ka kacay nin sheikh ah oo la yaqaano deegaankana laga tix gasho dabeeto waxaa uu sheekhii soo bandhigay arrin cajiib ah oo waxaa uu yidhi waxaan rabaa nin aan dar ilahay ugu guuriyo inantayda heblaayo oo ah gabadh caqligeeda iyo laxaadkeeduba dhamays tiran yahay wax xoolo ah oo aan ka rabaana ma jirto anigaa guurinaaya oo dhisaaya kaliya waxaan rabaa wiil dar ilahay aan ugu guuriyo  ee kumaa diyaara oo arrinkaasi isku tagaay?

 

Dabcan ilo garoo sheekhu waxaa uu niyada ku hayaa oo uu is leeyahay raga aad garanayso ee hebel iyo hebel oo adna ku garanaaya ayaa isa soo xaadirin ama cidkale oo uu raali ku noqdo balse waxaa halkaa danbe gacanta ka taagay wiil masaajidka iska joogi jiray oo maskaxda kayara xanuunsanaaya ama ah dadkan aynu dhahno way kala koreen caqli ahaan iyo jidh ahaan dabeeto waxaa uu yidhi sheikh anigaa u diyaara oo gabadhaasi guursanaaya ee ii guuri.

 

Sheekhii oo wajigiisa cadho ka muuqato ayaa yidhi waryaa MASAAJIDKA CIYAARTA KA DAA!!!!!

 

Dabeeto dadkiibaa qosol jaanta wadhay arrinkiina halkaa ayuu ku oodmay.

iska jir waxaad leedahay kana sii fiirso maxsuulka kaaga soo bixi kara falka aad samayntiisa ku dhaqaaqayso.

 

 

W/Q:  JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)