Urur Goboleedka IGAD oo baaq ka soo saaray Xaalada Nololeed ee Somalida

0
57

Addis Ababa(Waaheen)-Urur-goboleedka ay ku midaysan yihiin Dawladaha Bariga Afrika ee IGAD, ayaa shir ay ku lahaayeen magaalada Addis Ababa waxa ay kasoo saareen War-murtiyeed  ay Dawladaha Maraykanka, Britain, Australia iyo kuwa kale  kaga codsadeen inay qaadaan xannibaadda saaran Xawaaladaha Soomaalida.

igaoWar-murtiyeedka waxa uu Ururka IGAD mar kale ku muujiyey walaaca xooggan ee ay ka qabaan khatarta dhinaca Samafalka iyo Ammaanka ee ay sababtay go’aanka lagu xidhay Xisaab-lacageedyadda Xawaaladaha Soomaalida.

IGAD waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan in la dhiso  Golaha La-talinta ee Saamileyda Soomaalida iyo kan Xawaaladaha ee Heerka Gobal si ay ula socdaan Lacagaha Xawaaladaha Soomaalida.

War-murtiyeedku waxa uu ugu baaqday Dowladaha xubnaha ka ah IGAD inay maamulaan, isla markaana taageeraan dadaalladda lagu doonayo in looga hortago Lacagaha Sharci-darradda lagu xawilayo.

Bayaankan ayaa soo baxay, kadib, markii Shir heer Wasiir oo looga hadlayey Xawaaladaha Soomaalida shalay lagu qabtay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.