TAHRIIBKU MAAHA DHIBTA DHALLINYARADA AAFAYSAY, EE WAA XALKA AY KA GAYNWAAYEEN INAY KU DHAQAAQAAN.‏

0
40

Waxuu yaab ku qabanayaa, marka aad daawato, dad aad mooddo bidde dhargay, oo aan isba wayddiinaynin dhibka jira, ee dhallinyarada eed iyo cambaarayn dusha kaga tuuraya.

Waa wax laga xishoodo in qof isu haysta inuu garaad fiican kujiro, uu dhaleecooyin iyo aflagaaddo u gaysto dhallinyaro garanwayday si ay nolosha ku maareeyaan, oo ay u joogsatay, inay bad isku biimeeyaan. 

 

Waxaanu marnaba ka fakaraynin, ruuxa dhallinta cambaaraynayaa, inuu garto dhibku halkay ka imanayso.

Uma arko in ruuxa dhallinyarada ah, ee intuu jaamicad dhammaysto, ku fakarayay inuu meel ka soo baxo, oo noqdo qof meel ka gala taariikhda oo loo aayo, uu si dhibyar isaga dhaqaaqo, oo naftiisa halis uu arkaayo, ugu badheedho inuu badaha isku tuuro, waaba intaasoo ilaahay ku badbaadiyaaye.

 

Marka aad si qoto dheer uga bogato waxa keenaya in qof dhallinyaro ahi halisaha ugu badheedho, waxay ku siinaysaa, inaanay ahayn wax dhib yar, oo ku kalifaysa dhallinta saymahaa.

 

Maaha kow iyo labo, inta laga sheekeeyay halistaa, oo weliba ay ka hadlayeen kuwii balaayadu ka qabsatay. Taas oo wax ku qaadasho u noqon lahayd kuwa dambe.

Nasiib darro waxay noqotay mid aan dhagaha dhallinyarada marna aanay waxba kaga duxin.

Layaab maaha inay dhallintu qaadan waydo waxaas oo warbixina, iyo tusaalayaasha badan ee laga soo warinayo waxay kala kulmi karaan..

 

Maaha inaynu ku dheeraano halista iyo baaxadda ay leedahay. Waxaa u baahan inaynu derisno inanka dhallinyarada ah ee jaamicad afar sano iyo ka badan lagula dadaalayay, mustaqbalka uu ku haysto dalkiisa, iyo rajada uu ka qabo, inuu meel ka soo baxo.

 

Rajadu waa waxa dhallinyarada ka baajin kara, inay nolosha ka rajo dhigaan, oo badaha isku tuuraan.

Maxay haddaba uga rajo dhigeen dalkooda, ayaa suaasha meesha taal ah. Waana ta la rabo in xal loo helo.

Haddaan taa xal loo helinna ma jirayso, in dhallintu ka baaqan doonto inay badaha isku tuuraan.

 

Maxaa keenay rajo la’aanta, maxaa se looga hortagi waayay.

Marka ugu horraysa, waxay noqotay in qofka dibadda ka yimaadda, ee dalkiisa hooyo kusoo guryo noqdaa, nolosha meel kasta ha kaga jiro, ama bulshada nooc kasta uu ka tirsanyahay, haba ahaado xataa mid nolosha ka dhacay, oo waxba kaga tari waayay dalalkiiuu joogaye, uu noqdo qof ka meeqaan sareeya, dhallinta xataa waxbaratay, ee dalkooda ku sugan.

 

Waxaynu aragnaa, in erayga qurba joog ay noqotay meel sidiisa loo qaddariyo, oo xataa laga hormariyo dadnimada qofka. Waxay noqotay meeqaam(status) ku soo korodhay dadnimada. Taas oo ruuxa lagu tilmaamo isaga oo dalkiisa jooga, uu ka mudnaado ruux dalkiisa jooga oo isaga xataa ka cilmi, ama karti, ama ka dadnimo horreeya.

 

Waxay noqotay in sharaftii noqotay waa qurbejoog, waxaad arkaysaa iyada oo la isku bogaadinayo, waxaa la marti qaaday, ama qado sharaf loo sameeyay qurbajooga ka kala socday dal heblaayo, iyo dal heblaayo. Waxaad arkaysaa ruux masuul qaran sheeganaya, oo haybad ku raadinaya inuu martiqaaday qurba joogga reer burco, ama wax la mid ah.

 

Waa ayo haddaba masuulka casuumadda iyo martiqaadka u fidinaya qurbajoogu ?????

Waa ruux isaguba marka hore ahaa sida ay u badan yihiin, mid nolosha qurbaha ka dabbaalan waayay, oo ama reer foodsaaro ha ka soo dhigto, ama si kale kusoo galagalaystay inuu mansab ka qabto dalka, isla markaana ka mid noqday inta yare e dalka dhaxal wareejisay, ee sida dadnimada ka baxsan u oofwareentay dhaqaalihii dalka iyo maamulkiiba.

 

Waxay noqotay dad qalaad oo dalka hunguri keenay, oo aan ummadda danteeda eegayn, oo loo baylihiyay shacabkii. Waa maamulxumada ninba ninkale kusoo hoggaaminayo, markuu arko kii qurbaha la qabsan waayay, ee aan aroor u kallihin, oo intaa dalka musuq iyo qaraabo lagu soo dhex galiyay masuuliyad aanu hawaysteen loo dhiibay, oo weliba lagu ilaalinayo, siduu doonona ugu takrifalo, xisaabina jirin.

 

Horumar ayaa dalku ku tallaabsaday markaan ka maqlo dad uu garaadku ku yaryay ama isyeelyeelaya, waxaan xasuustaa boqor bukaasa, oo ul dahaba intuu samaystay dadka markuu u qudbaynayo lula ushiisa..si loo arko horumarka uu gaadhay inuu ul dahaba ku baano markuu khudbad jeedinayo.

 

Horumarku hadduu waxaa noqdo, waa ummad aanay seedi u dhanaanayn, oo gaadhay  heerkii ugu hooseeyay  ee inuu garaadku shaqeeyo. Haddaad heerkaa gaadho waa marka aanad xayawaanka, ama ishinka waxba dhaamin. Waa marka aad xerada ku jirto, oo aanad noLosha qiime ku lahayn, ase aanay naftu kaa bixin, oo aad caloosha wax geliso.

 

Waxaynu aragnay in xukuumad laga rabo shaqo abuur. Shaqaalaha qaranka ee aynu aragnaa waa in yar oo cusbitaallada ka shaqaysa, in intaa la mida oo waxbarashada ka shaqaysa, iyo halal xafiisyada si xaq ah uga hawlgala.

Waxaa isweyddiin leh dawladda miyaanay waajib ku ahayn inay shaqaale samaysato sida caalamka.

Waxaynu aragnay wasaaradihii qaranka adeegga u hayay in lagu beddelay  qawlaysato hadda siiraanyo ku sheego qandaraaslayaal. Waxay bilaabeen in wasaaraddii hawlaha guud, tii qorshaynta qaranka, tii degaanka iyo reer miyiga, hawlihii dawladda hoose, aanay midina manta ummadda waxba ugu fillayn.

Waxuu keenay siiraanyo inuu waddooyinka dhagax dhigo. Maxay daarrantay dhagaxan badan ee meel walba la dhigayaa..

Ismaynaan weyddiin weli in hawlihii qaranku qaban jiray , ee innamada iyo hablaha jaamicadaha soo dhammaysta lagu shaqaalayn jiray sidii dawladihii hore, iyo kuwa caalamkuba siday yeelaan, ay siiraanyo iyo inta uu beelaysiga iyo qabyaaladda ku shaqaleeyay ay samaysteen magacyo iyo sharikado loo samaystay in qaranka lagu xaalufiyo.

Waxaa ceeb ah, in xataa wasaaraddii hawlaha guud intay  wareegto soo saarto, ay tidhaahdo shaqadeedii waxaa la siiyay qandaraasle, kaas oo meel kasta oo shaqaale dawladeed ka hawl gali lahaa, oo shaqaale dawladeed loo qori lahaa waxaa la siiyay nin waraaqo la ordaya, oo weliba baanka qaranka iyo xawaaladda u dhuratay dhaca ummadda ee siiraanyo leeyahay, sii amaahiyaan lacagta uu shaqada uu doonayo uu ku fushanayo.

 

Xagee lagu arkay wasaaradda hawlaha guud oo guryaha qaranka iyadu qandaraas ku bixinaysa, oo waddooyinka qandaraas ku bixinaysa, oo guryaha iyo xafiisyadii dawladda intaa dhulkay ku fadhiyeen dad la siiyo, meelkale qandaraas dhisme ah looga binaynayo, oo wasaaraddii dhisi lahayd qandaraas ku siinayso ruux la soo igmatay, oo baanka qarankuna dikreeto ku socota lacagta uu qandaraaska ku qaadanayo sii amaahinayo.

 

Dekkeddii ayaad arkaysaa maalinba nin qayb cayimanaayo inuu qandaraas ku qaato. Meeye wasaaradihii shaqaalaha dawladda u shaqeeyaa ka hawlgali jiray.

Marka ay sidaa noqoto, ee xataa dawladda hoose waddooyinkii qandaraasle la siiyo, maxay shaqaale dawladeed ku filan yihiin ama looga baahan ayahay. Miyaanay ahayn dal sidii weerihii ruux ba halka uu soo gaadho goosanayo.

 

Waxaad maqlaysaa waxa dhisme la sameeyay miyaydaan arag. Wasaarad kasta oo dhismaheeda nin qandaraas lagu siiyay, waxaa qaranka ka luntay lacag aan tiro lahayn, waxaa ka baaqsaday shaqaalayntii dhallinyaradii qaranka usoo kacaysay, oo masiirkoodii iyo rajadoodii dabka la sudhay, oo dad hanti urursanaya lagu beddelay halkii iyaga shaqo abuur loogu samayn lahaa.

 

Inanka jaamicad soo dhammaysta, ee dawladdu shaqaalayn kari weydo, ee wax rajo ah aan sugaynin, ee fara madhan taagan, ee dibjirka yurub ka yimaaddaa ka sharaf iyo qiimayn bataan, maxay kula tahay inuu dalkiisa ku aamino. Inanka doonaya inuu qof noqdo, oo wax taro, oo reer iyo carruur yeesho, ee aan qadada helaynin, arkaynin meel u shaqo ka helaayo, hortiisa kolba xaflado loogu samaynayo waxa ay ku tilmaamaan akhyaarta qurbajoogga, ee hortiisa sida baxan loogu soo dhawaynayo.

Waa ayaan darro in weliba isaga la eedeeyo, oo la yidhaa naftiisa ayuu halligayaa.

 

Hadduu cilmigii uu bartay iyo waxuu dadaal sameeyay waxba ku waayo, oo dawladda siiraanyo halkay shaqo abuur ka samayn lahayd ay qandaraaslayaal dalka ukala jeexdo, siduu ninkaa dhallinyarada ah, ee masiirkiisii siiraanyo ku ciyaaray, uu dalkiisa ku jeclaadaa.

 

Ceeb waxaa leh dawladda boobka iyo qudhunka caadaysatay, ee gidaar walba lacag ku bixinaysa, ujeeddaduna tahay uun in qandaraasle shaqo iyo hab uu qaranka ku dhaco loo jideeyo, lona xalaaleeyo.. cidina iskuma ceebsato, ee waxaa la yidhaa bal dalka waxa dhisme ka socda eeg.

 

Wasaaradaha gidaarrada waaweyn loo dhisay, ee lacagtii ummadda lagu lunsaday, waxaa ka shaqeeya ugu badnaan shan iyo labaatan ruux. Waxaana loo dhisay dhisme shan boqol oo qof ka shaqayn karto.

Waa ceebaha ugu waaweyn ee quruxda lagu tilmaamo.

 

Qandaraaslayaasha haddaanay ummaddu iska qaban waxay noqon doontaa in aqalka ruuxu ku jiro lagu amro inuu qandaraas ku bixiyo si loogu rinjiyeeyo markuu siiraanyo soo marayo waddada..

 

Dhagweyntu hadday dhallinta ka naxayso, waxba yay iyaga eedayn eh, ha eedeeyaan siiraanyo iyo maamulkiisa qawlaysatada qandaraaslayaasha ah, iyo aafadaa cusub ee bilaabatay ummadda u horseeday, wasaaradihii hawshoodii ku beddelay qandaraasle.

 

Waa aafo iyo ayaandarro ummadda ku habsatay..

 

Eng. Yousuf Ahmed

Jicsin@hotmail.com

London U. K.