Hargeysa:Magaalo ay Dadkeedii Ku Gaajoonayaan iyo Ajaanibkii oo ka Dhargay.

0
86

Qaadashada Sakadii iyo Sadaqadii oo ay safaf  ugu jiraan Dad Ajaanibka ah ee Dalka u dhalan iyo kuwii Reer Somaliland oo Gaajo u Bakhtiyaya

 

agoomo-300x225Hargeysa (Waaheen) Iyada oo lagu Jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa waxa inta baddan wakhtigan Dadka Illaahay Maalka siiyey ay Bixiyaan Sakooyin kuwaasi oo sida caadada ahayd siin jireen dadka walaalahooda ah ee aan waxba haysan, balse Sannadkan oo Dalka ay ka jirto Duruuf dhaqaale isla markanaan ay sii bateen dadka Baahan ee ay kubaxayso Sadaqadu ayaa la sheegayaa in Ramadaantan aanay badankoodu helin Sakadii iyo deeqihii la siin jiray, waxaana lagu sababeynayaa in meeshii ay ka saareen dadkii danyarta ahaa Somaliland u dhashay dad kale oo aan waddanka u dhallan kuwaasi oo dhasho ahaan ka soo jeeda waddanka aynu jarka nahay ee Itoobiya. waxana la tilmaamay in dadkaasi ay joogan Goob wal oo lagu bixinayo Sadaqadaasi isla markaana ay u suurto gasho in ay helaan wixii ay helilahayeen muwaadiniinta baahan ee Reer Somaliland.

Hadaba waxa Fiican in dadka Reer Somaliland ee illaahay Maalka siiyey lana Baxaya Sadaqada iyo Sakadu ay hoos u eegan dadka ay waxsiinayaan isla markana marka hore ka fuudhyeelan dadkooda aan waxba haysan isla markaana ka xishoonaya in u soo baxaan Baahida.