Kooxo Budhcad ah oo Shacabka Hargeysi Habeenkii ka Khaati ka taagan yihiin iyo Mooganaanta Booliska

0
47

Budhcada oo Habeenkii u soo shaqo taaga Suuqyada Shacabkana ka Urursada Mobiladda iyo waxa kale ee ay siitan

Hargeysa1Hargeysa(Waaheen) Shacabka ku Nool Magaalada Hargeysa ayaa Mudooyinkii ugu danbeyey  waxa ka soo yeedhayey  qaylo dhaan ay ka Muujinayaan Aamanka Caasimada Hargeysa oo wakhtigan aan  fiicnayn.

 

Shacabka ayaa waxay Cabasho weyn ka muujiyeen Budhcad Abaabulan oo Habeenkii dadka ku baadhata  Suuqyada iyo Xaafada Magaalada kuwaasi oo la sheegay in ay bartilmaameedsadan Haweenka iyo Caruurta kana qaadan waxa ay siitan.

waxa kale oo ay sheegen in wakhtigan oo lagu jiro Bishii barakaysan  ee Ramadaan isla markana Fooda inagu soo hayso Iidi ay kooxahaasi sii xoogeysteen isla markana Haweenkii ay ka qaadayaan Alaabtii iida ee ay sitaan.

 

Kooxahan Budhcada iyo Tuugta ah ayaa la sheegay in habeenkii u soo shaqo tagaan Suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa kuwaasi oo koox koox u socda isla markana cid wal oo ay wax ka qaadi karaan ay ka qaadan, waxa la sheegay in waxyaabah ay aad u jecel yihiin ay dadka ka qaadan ay yihiin Mobilada.

 

Booliska Caasimada ayaa lagu dhaliilaa in aanay waxba ka qabban Falalka noocan ee Aamanka Caasimada wax u dhimaya.