Ilaaladii Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Tiknikadoodii oo u soo Goostay Dhanka Somaliland

0
35

Markii aanu ka weynay Qadarin lanana siin waayey Mushaharkii ayaanu iskaga tagnay Puntland

 

ta14Hargeysa(Waaheen) Labba Baabuur oo Tikniko ah oo ay saaran  yihiin Ilaaladii Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar (Camay ayaa ka soo goostay Puntland  isla markaan soo gaadhay Degmada  Boocame oo ka tirsan  Gobolka Sool ee Somaliland.

Warar Xogogaal ah oo Wargeyska Waaheen Helay ayaa sheegaya in Ciidamadaasi oo Watay Labba baabuur oo Tikniko ah oo ahaa kuwii khaaska u ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka ay soo gaadheen Boocame isla markii ay yimadeen Qaado loogu sameyey Degmadaasi iyada oo si weyn loo soo dhaweyey.

Ilaaladan Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaan si cad loo ogeyn sababta ay u soo goosten, balse qaar ka mid ah dadkii sida dhaw ula socday Ciidankaasi soo goostay ayaa sheegay in sababta Puntland ay uga yimadeen tahay ka dib markii muddo dhawr billood ah aanay helin wax mushaarad ah, isla markana ay ka waayeen qadarin iyo Xushada Puntland taasina ku kaliftay in ay isaga tagaan.

Ciidankan ayaa la sheegay in u sii jeedaan Degmada Buhoodle oo markii hore ka tageen, madama Madaxweyne Ku-xigeenku ka soo jeedo Buhoodle.

Warar Hoose ayaa sheegaya in Somaliland Doonayso in Ciidamadaasi ka soo goostay Putland ay wadahadal la furto si ay ugu soo Biiraan Ciidanka Qaranka Somaliland madama oo ay dalkoodii dib ugu soo noqdeen, waxaanay wararku sheegayaan in odeyaasha Deeganka Widhwidh ay isku Xilqaameen siddii ay Ciidamadaasi Somaliland ugu soo darilahayeen.

Bilihii u danbeyey ayaa waxa Puntland ka goostay Ciidamo Badan kuwaasi oo u kala dhaqaaqay Deeganadii ay ka soo jeeden sida Ciidamo Baddan oo u goostay dhanka  Galkacayo iyo Kuwo kale oo iyaguna u goostay dhanka Bosaaso waxanay dhammaantood ka cabanayeen mushara la’aan soo foodsartay ka dib markii dhawr bilood aanay wax musharah ah qaadan.