Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka Hadlay Shaqaale Mushaharka laga Joojiyey

0
59

Maxamed-IlkacaseHargeysa (Waaheen)- Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa ka hadlay shaqaale ka tirsan wasaaraddaasi oo laga joojiyey mushahar kadib markii lagu eedeeyey inay shaqaysanwaayeen.

Warar lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka internetka ee Af-soomaaliga, ayaa lagu eedeeyey madaxda Warfaafinta inay si caddaalad-darro ah mushaharka uga jareen qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, iyadoo si gaar ah loo tilmaamay in tallaabadan uu qaaday Agaasimaha guud.

Haseyeeshee, Agaasime Ilkacase oo warbaahinta qaar ladlay, ayaa beeniyey in cid gaar oo ka mid ah shaqaalaha mushaharkooda la iska goostay sabab la’aan, balse tallaabadani ka dhalatay baadhitaan ay sameeyeen guddi toddoba xubnood oo madaxda sare ee Wasaaradda ah oo ay madax u tahay Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha guudna ku-xigeen ka yahay iyo Maareeyaha Tv-ga Qaranka oo xoghaye u ah.

“Qof shaqaysanaya cidna wax ka jarimayso ee waxa jira guddi madaxda sare ee wasaaradda ah oo dib-u-qiimayn ku samaynaysa arrimaha shaqaalaha, qofna mushaharkiisa qof kale ma cuni karo, sabab kalena loogama haysan karo, laakiin annagu dad googays ahaa ama aan shaqada iman muddo dheer ayaa laga joojiyey mushaharka,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Ilkacase, waxaannu intaasi sii raaciyey hadalkiisa, “Ciddii shaqaale ahi waa inay shaqaysaa oo mushaharkiisa xalaashato, laguna shaqeeyo xeerka shaqaalaha ee u dhexeeya shaqaalaha iyo shaqada, mana jirto cid la dulmi karo ama mushahar uu xaq u leeyahay laga goyn karo, laakiin qof iska maqan oo aan shaqaysan cudur daar la’aan waxa qabanaya xeerka. Arrintanina maaha mid agaasimaha ku kooban ee waa mid guddi Wasaaradda ka tirsan oo toddoba xubnood ka kooban dib u qiimayn ku samaynayaan shaqaalaha.”

Waxa kaloo uu xusay in ciddii ka cabanaysa tallaabada mushaharka lagaga joojiyey ay u furan tahay inay guddiga la kulanto oo shaqadiisa caddeeyo, balse aanay waxba ku heli karin abaabul iyo cayn ay warbaahinta mariyaan toona, waxaannu yidhi, “Qofkii cabanaya ee leh waan shaqeeyaa oo mushaharkii baa la iga jaray xaq buu u leeyahay inuu guddida u soo cawdoo oo yidhaa waan shaqayn jiray laakiin, laakiin qof iskaba maqan oo dibadda mushahar ku qaadanayey oo aan soo shaqo tagin sabab uu cid u eedeeyaa ma jirto oo uu abaabul, cayntan iyo barobagaadho la tago warbaahinta si loogu habrado oo uu madaxda wasaaradda ku ceebeeyo maaha arrin soconaysa, annaguna sabab aannu qof shaqaysanaya mushaharka uga jaraa ma jirto.”

Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta oo ay hawlgalaan shaqaale aad u tiro badani, ayaa marar dhawr ah oo hore qorshayaal la doonayey in dib loogu habeeyo waxa ka dhashay khilaafyo sababay in madax kala duwan laga beddelo.