Labba Askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo Kalabaydh lagu dilay

0
60

Hargeysa(Waaheen) labba Askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland saldhigoodu yahay Degmada Kala-beydh ee Gobolka Sool ayaa Habeen hore waxa lagu dilay Degmadaasi.

War Xogogaal ah ah oo Wargeyska Waaheen Helay ayaa tilmaamaya in Labbada Askari ay dilleen Maleeshiyada khaatumo.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Labbadan Askari oo wakhti galab ah ka soo caraabay Magaalada Kala-baydh ay dhexda u galleen maleeshiyadaasi isla markana labbadii askariba ay dileen.

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa ku daba jir Soo qabashada maleeshiyadaasi dishay labbada Askari, waxaanay isla markiiba ciidanku hawlgal baxad leh ka sameeyen dagaankasi iyaga oo ku dabba jir soo qabashada Maleeshiyadasi khaatumo ee labbad askari dishay.