Cuqaal Iyo Odayaal Mudo Kabadan Laba Todobaad Ku Xidhan Xabsiga Magaalada Ceerigaabo‏

0
50

Ceerigaabo(Waaheen)ilaa Iyo Dhowr Iyo Toban Isugu Jira  Cuqaal Iyo Odayaal Ka Soo Jeeda Degmada Ceerigaabo Ayaa Mudo Kabadan Laba Todobaad Waxay Ku Xidhanyihiin Xabsiga Magaalada Ceerigaabo .

Waxana Xadhiga Cuqaashani Amar ku Bixiyay Xidhitaankooda Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay Oo Isagu Doonaya In Uu Xal Ama Weji Ka Dhigto Xadhiga Cuqaasha Uu Xidh Xidhay.

Xadhiga Cuqaashan Ka Soo Jeeda Degmada Ceerigaabo Ayaa Waxa Uu Badhasaabka Gobolka Sanaag Ku Sababeeyay Askari Dhowaan Dilay Taliyihii Koofiyad Casta Oo Hayb Ahaan Ka Soo Jeeda Cuqashan Iyo Odayaasha La Xidh Xidhay  Kaasi Oo Markii Uu Dilka Fuliyay Ka Baxsaday Goobtaasi  Hase Yeeshee  Cuqaashaasi  Ayaa Balan Qaaday In Ay Soo Qaban Doonan Ninkaasi gacan Ku Dhiiglaha ah  Inkasta Oo Aanay Xukumadu Sugin siina Mudo    Ku Filayn Ayaa Mudo Yar Kadib Dilkaasi Waxay Xabsiga Ku Gurtay Odayaal iyo Cuqaal ka Soo Jeeda degmada Ceerigaabo   …

Maamulka Gobolka Sanaag Oo Uu Hogaaminayo Badhasaabka Gobolku Axmed Cabdi Falaay Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Ciidanka Ayaan Wax Jawaaba Ka keenin Ninkii Gacan Ku Dhiiglaha ahaa Oo Ay Iyagu Tuurta u Riteen Doonitaankiisa Iyo Soo Qabashadiisa Inkasta Oo Ay Ciidamada Bilaysku Ku Sheegeen Buuralayda Gobolka Sanaag Isla Markaana Ay Cadaysteen In Ay Soo Qabashadiisa Ka Beqeen  Madaama Uu Sito Qorigii Uu Dilka Ku Fuliyay.

Waxa Sanadkan Gudihiisa Somaliland Ka Dhacay Dilal Kala Duwan Oo Ay Intooda Badan Fuliyeen Askar Kamida Ciidanka Qaranka Somaliland Kuwaasi Oo Ku Fuliyay Dilalkan Sarakiishooda IYo Dad Magacleh   Dhamaanba Dilalkaasi Kala Duwan Ee Ka Dhacay Somaliland Waxa Tuurta U Ridatay Xukumada Uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Dilaanyo Hase Yeeshee Dilkii Ugu Danbeeyay Ee Ka Dhacay Ceerigaabo Oo Aan Kuwaa Hore Waxba Ka Duwanayn Ayaad Moodaa In Ay Xukumadu Siyaasadaysay Iyada Isla Markaana Iska Hor Keenayso Beelaha Walalaha Ah EE Wada Dega Degmada Ceerigaabo Iyo Guud Ahaanba Gobolka Sanaag  Halkii La Donanay In Xaalada Lagu Xaliyo Xaalad Qaran Ayaad Mooda In Xukumadu Doonayso In Ay Ku Xaliso Xaalad Qabilaysi Oo Iyada Lafteeda Aanay Daacad Ka Ahayn…..

Hadaba Waxa Iswaydiin Xukumadu Maxay Ka Damacsantahay Xadhiga Odayaasha Oo Ah Kuwa Intabadan Marka Ay Dhibaatooyin Dhacaan Lagu Majeerto Oo Ka Qayb Qaata Nabadgelyada Meel Weyna Kaga Jira Xalka Dhaqan Ee Somaliland KU Soo Caano Maashay Mudadii Dheerayd Ee Ay Soo Jirtay