Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland Oo dhagax dhigay Madaarka Laascaanood oo laga fulinayo mashaariic horumarineed

0
81
30 (1)Laascaanood (Waaheen ) Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa maanta dhagax dhigay Madaarka Magaalada Laascaanood oo laga fulinayo mashaariic horumarineed.Mashaariicdaasi oo la xidhiidha samaynta Dhabaha dayuuradaha oo Dhererkiisu yahay 1500 Mittir oo Caro kaawo ah, oo ay maagalinayso shirkad wadani ah oo maanta la  dhagax dhigay isla markaana la bilaabay samayntiisa, iyo Mashaariic kale oo ay Xukuumadda Somaliland hir galin doonto dhawaan.

Munaasibad loogu xafladaynayey mashaariicdaasi  ayaa maanta ka dhacday xarunta Garoonka ayaa waxa ka qayb galay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland Md, Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, Gudoomiyaha Gobolka Sool Yaasiin iyo Maayarka Laascaanood.

Shirkada maalgalinaysa mashruuca wax laga qabanayo dhabada dayuuradaha ee lagu magacaabo Blue band, wakiilkeeda gobolka Sool oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ shirkadani waxay maal galinaysaa mashruuca dhabaha Garoonkan, waxa hada garoonka laga qabanayaa shaqo ay shirkadaasi bixisay anaguna aanu fulinayno waxa weeye 1500M oo Gravel road ah, ( jid Carro kaawo ah), oo laga dhisayo dhabaha dayuuradaha, waxaanu aad ugu mahad celinayaa dawladda Somaliland oo aad noo soo dhawaysay.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland Md, Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday inay Wasaarad ahaa iyaguna mashaariic ka hir gali doonaan Garoonkaasi waxaanu yidhi “ waxaan u mahad celinayaa shirkadan oo runtii door muhiim ah ka ciyaaraysa dib u dhiska Garoonka Laascaanood, garoonka iyo kuwo kale oo dalka ku yaalaaba hore umay lahaan jirin waxa duulimaado ah, wasaaraduna waxay xooga saartay kuwii kale ee duulimaadada lahaa, afartii sano ee u dambeeyey, imika ilaa sideed bilood ka hor ayaa madaarkan duulimaado ay ka bilaabmeen oo diyaarad Jaad keenta ayaa soo codsatay, anaguna ka Wasaarad ahaan ogolaashihii si degdeg ah ayaanu u siinay anaga oo aan waxa shuruud ah ku xidhin sida marka kale dhacda, waxa aanu taas ugu dan lahayn in garoonkani uu shaqeeyo, intaas wixii ka dambeeyna waxa noo qorshaynaa inuu Madaarkani noqdo mid maxali ah, waayo Ka Caalamiga ahi wuu hawl badan yahay.”

Agaasime Cumar Sayid ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ waxaan samaynay wasaarad ahaan report si deg-deg ah wax loogaga qabanyo arimaha kale ee garoonku u baahan yahay sida terminal yar oo kooban oo leh hagadii diyaaradaha, xafiisyadii, gaadhi dab damis ah iyo xayn daab. arimahaas oo wasaarad ahaan aanu si deg deg wax uga qaban doono Insha Allaah.” Cumar Sayid.

 

Maayarka magaalada  Laascaanood Cismaan Saleebaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ waxaan leeyahay Jaaliyada reer Laascaanood marka Jayga la saaro idinkuna ku darsada Daamurka, wakhtiga roobka wadada diyaaradu dhiidhi ayey noqotaa, markaas waxanu u baahan nahay inay daamur saarno, oo aynu dawlad iyo shacabka iska kaashano.”

Gudoomiyaha Gobolka Sool Yaasin Maxamed Shide ( Yaasiin Ex) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ waxaan aad ugu mahad celinayaa Wasiirka Hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif iyo Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi oo laf dhabar u ah horumarka dalka iyo waxqabadka socda, maantana isu xilqaamay iyagoo is kaashanaya inay wax ka qabtaan Madaarka Laascaanood oo aad arkaysaan siduu u dayacan yahay, aad baanu ugu mahad naqynaynaa Wasiirada ka gobol ahaan. Bulshada reer Sool-na maanta waxay qiraysaa inay Dawladda Somaliland u hagar baxday, oo Madaxweynaha iyo Golahiisa wasiiraduba ay u hagar baxeen in magaaladii Laascaanood la horumariyo.” Ayuu yidhi Yaasiin.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Farxad weyn ayey ii tahay inaan maanta ka qayb galo dhagax dhiga Garoonka Laascaanood oo ay maal galinayso shirkad wadani ah, aad baan ugu farax sanahay inay noqoto halkii uu Garoonkani ka bilaabi lahaa, waxaan rajnayaa inuu madaarkani noqdo mid horumarsan oo maxali ah buuxiya baahida Garoon ee Gobolkan, waanan u mahad celinayaa shirkadaas, ka Xukuumad ahaana waxaanu diyaar ula nahay taageero kasta oo ay nooga baahdaan.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdirsaaq.