RAMADAANTA IYO CAAFIMAADKA I : TIMIRTA IYO AFURKA

0
105

 

Sanad wanaagsan, ramadaan kareeem, waa mar kale iyo maqaaladeenni taxanaha ahaa ee caafimaadka bulshada, oo aynu maanta ku ibofuri doonno mawduucyo ka hadlaya ramadaanta iyo caafimaadka, iyadoo ay todobaadkan inoo bilan doonto bishii barakaysnayd ee ramadaan, waxaynu ereyo kooban ka tilmaami doonaa faa’idooyinka caafimaad ee ku duugan timirta, iyo xikmadaha ay diinteenu inoogu amartay inaynu soonkeena ku furno timir.

Waxaynu wada ogsoonnahay in timirtu ka kooban tahay sonkoro jidhkeenu si fudud u soo nuugi karo, taasoo si degdega uga qayb qaadata soo celinta miisaanka dheecaannada iyo hormoonada jidhka, gaar ahaan kuwa caloosha oo waqti dheer marka la soomanaado heerkoodu hoos u dhaco, sidaa darteedna u baahan inay hawsha dib ugu bilaabaan cunto fudud oo aan u baahnayn dheef-shiid badan, waana sababta ay dhakhaatiirtu dadka ugula taliyaan inaanay afurka ku bilaabin cunto culus, runtiina waa qalad dhaqanka ay dadkeena qaar sameeyaan bishan oo ah inay ku afuraaan hilib, waa suuro gal inaanay dhibaato caafimaad kala kulmin laakiin waxa hubaal ah inay taasi kordhinayso khataraha caafimaad ee soo waajihi kara waqti dheer ka dib.

Soonku waxa uu keenaa inay sonkoraha jidhka ku jiraa hoos u dhacaan, tan jidhkeenu waxa uu kaga jawaaba laba siyaabood, muruqyadu waxay adeegsadaan noocyo kale oo cuntooyinka ah (sida dufanka, baruuraha IWM) si ay hawlahooda u wataan, laakiin maskaxdu maadaama shidaalka kaliya ee ay adeegsataa tahay sonkorta, waxa ku yimaada maskaxda dhibaato yaraysa hawlaheeda, marmarka qaarna keenta madax-xanuun ka horeeya afurka. Sidaa darted waxa uu jidhku u baahan yahay sonkor fudud oo soo celisa awoodii shaqo ee maskaxda, tanina waa faa’ido kale oo timirtu leeday.

Timirtu waxa ku jira xaddi badan oo macdanta Iron ah, taasoo kor u qaadaa samaynta dhiiga, kana ilaalisa jidhka inuu dhiigu ku yaraado, iyadoo aynu aragno xaalado badan oo dawakhaad ah oo soonku keeno isla markaana la xidhiidha dhiig-yaraanta, sidaa darted waxa lagama maarmaana inaynu dhiig-yaraantaa kaga hortagno adeegsiga timirta waqtiga afurka iyo guud ahaanba xilliyada soonka ka horeeya.

Soo celinta nuurka indhaha, waa mid ka mida shaqooyinka ugu caansan ee ay timirtu inoo qabato ramadaanta, waxay sidoo kale caawisaa dareenka maqalka, gaar ahaan dadka waaweyn

Waxa ku jira faytamiino badan sida A, B1, B2, … iyo macdano ay ka mid yihiin kaalshiyam, foosfar, magniishiyam (calcium, phosphorus, magnesium) oo door weyn ka ciyaara habaynta caafimaadka jidhka, sida adkaynta lafaha, hagaajinta dhaqdhaqaaqyada mindhicirada, la dagaalanka cudurada beerka, ka hortagga qallalka maqaarka, hoos u dhigidda xasaasiyada iyo allerjiga, IWM.

Caawinta habdhiska difaaca jidhka iyo dardar galintiisa, oo uu sameeyo walax-kiimikeedka loo yaqaan (beta1-3 D-glucan) oo ka soo baxa dheefshiidka timirta, waxa kale oo ay timirtu ka kooban tahay walxo la dagaalama unugyada kansarka.( Adkaynta difaaca waxa kor u qaada marka timirta lagu cabbo caano.)

Waxa ku jira timirta xaddi badan oo biyo ah, oo yareeya dareenka harraadka ee la xidhiidha soonka.

XAALADO GAAR AH : bukaanka cudurada macaanka iyo kelyuhu waxay u baahan yihiin talada dhakhtarka si loogu xaddido inta ay ka qaadan karaan timirta, waxaynu ognahay in noocyada timirtu ku kala duwan yihiin xaddiga sonkorta ah ee ku jira, sidaa darted dhakhtarkaaga waa inaad u sheegtaa nooca timirta aad cunto. Dadka kelyaha ka bukana waxay taladu ku socotaa macdanta POTASSIUM oo timirta ku jirta oo saameysa shaqada kelyaha. hooyada uurka leh: timirtu waxay hoos u dhigtaa cadaadiska dhiiga, xilliga dhalmada waxay timirtu ka qeyb qaadataa dhiig-joojinta.