Ciidamada Qaranka Somaliland oo Xidhay Xildhibaan Baarlmaanka Somaliya ka tirsan.

0
109

Dawladda Somaliland oo farriin hanjabaad ah u dirtay mudanayaasha baarlamaanka Muqdisho ee ku dooda inay metelaan dadka Somaliland

boramaBoorama (Waaheen)- Ciidammada ammaanka magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa xabsiga u taxaabay xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalka Soomaaliya oo oggolaansho la’aan ku soo galay gobolkiisa gelinkii dambe ee shalay.

Badhasaabka Gobolka Awdal Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey inay ciidanka booliska ee Boorama xidheen Axmed Xuseen (Sitiin) oo ka mid ah xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya, balse dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda fiidnimadii xalay.

“Ciidammada ammaanka ee Gobolka Awdal waxay gacanta ku dhigeen Axmed Xuseen (Sitiin) oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka dawladda Soomaaliya… Ninkaasi wuu xidhan yahay, si degdeg ah ayaanuna sharciga u horgeyn doonnaa insha Allaah,” ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax oo si weyn ugu mahadnaqay ciidanka ammaanka gobolkiisa oo uu sheegay inay muujiyeen feejignaan iyo taxadir dheeraad ah oo ay ku sugayaan amniga guud ee qaranka Somaliland.

Dhinaca kale, Badhasaabku waxa uu digniin culus u diray masuuliyiinta dawladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta dhuun-raacyada ah ee Muqdisho kaga riyooda inay Somaliland xukumaan, waxaannu ugu hanjabay inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo isku dayda inay waxyeellayso qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waa markii labaad ee ciidammada nabadgelyada Gobolka Awdal xabsiga dhigaan xildhibaan Sitiin oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, iyadoo sidan oo kale hore loogu xidhay magaalada Boorama, kadibna dalka laga mastaafuriyey dhowr bilood ka hor.