Keyse Gurayoow Kuma Ayaad Maantana Dalka Ka Mabnuuci Doontaa?

0
41

 

LiibaanIgama aha qormadani shakhsi weerar iyo dhaleecayn midnaba oo keyse waaba mid ka mida asxaabtayda, waxaanse suganti ah taariikhda iyadaana sargoysa sooyaalka aadamigu suntado.

Magacawga wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibada loo dhiibay xalay uun Mr Keyse Gurey ayaa noqday mid kaydka xusuustayda dib u celiyay muddo haatan laga joogo ku sinaan lix sano, xiligaas oo xaalada iyo xurgufta siyaasadeed ee wadanka ka jirtay ay uba eeg tahay ta maanta taagan hada garoo xiligu waa horaantii 2010-kii waxaana wadanka lulaysay oo qaadaa dhigaysay xumada doorashada oo la filanayay inay qabsoomi doonto bilaha dhaw ee 2010-ka sidoo kale waxa jirtay in sanadkaa 2010-kii iyana lagu hawlanaa dhamays tirka sixida diwaan galintii codbixiyayaasha si loogu galo doorasho, akhriste bal maantana u fiirso wadanku wuxuu la beer qaadsan yahay cayimada wakhti doorashada waxaana taagan muran arrintaas la xidhiidha sidoo kale waxa socda diwaangalin daawaha lagu luudinayo oo ah tii madaniga ahayd halka la filayo inay tii codbixiyuna bilaabanto. Alla isku eekaa miyaa la soo celiyay taariikhda! Iyadoo wuu xaalka siyaasadeed ee wadanka yaalay wakhtigaas uu caynkaas u yaalay isla xaraarada mucaaridada oo ay weheliso ta shacabka isbadal doonkaa duufaantooduna gabi dhaclaynayso ayaa waxa safar ugu ambo baxay dalka maraykanka Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigaas ah gudoomiyaha xisbiga kulmiye halkaas uu markaa kula kulmay saraakiil sare sare oo maraykanka ah uu ugu horeeyay (Donald Payne) kulamadaas masuuliyiinta ka dib waxa uu Siilaanyo wakhtigaas uu kulamo balaadhan iyagana la qaatay jaaliyadihii kala duwanaa ee markaykanka ku dhaqnaa.

Hadiiba intaasi dhacday ayaa waxa saxaafada la halday Keyse Guray oo wakhtigaas isna ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda arrimaha dibaba hada garo oo waa booska maanta loo magacaabay uune waxaanu saxaafada u sheegay in mudane Siilaanyo dalka laga mabnuucay oo aanu soo gali Karin.

Odhaahdii wasiir ku xigeenka ayaa waxay dhalisay muran siyaasadeed oo xataa gaadhay in shacabkii isbadal doonku samayn gaadhaan gadood ka dhan ah hadalka ka soo yeedhay dartii!

Waxba yaanu qalinku ila taraarin oo idinkaaba taariikhda iiga badiya oo iigaba xogogaalsane, waxaan is waydiiyay hadiiba Keyse isagoo ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibada wakhtigaas uu Siilaanyo damcay inuu dalka ka mabnuuco isla maanta oo ay mahadhadaa ka soo wareegtay ku dhawaad lix sano uu siilaanyo u dhiibay isla booskii hore wakhti u eeg wakhtigii uu weedhaas yidhi amaba uu isku dayay inuu dalka ka joojiyo Siilaanyo. Ma waxa la doonayaa inuu maantana dalka ka joojiyo amaba ka mabnuuco mudanayaasha mucaaridka ah sida Cirro, Faysal iyo Jamaal? Mise waxa jira qorshe kale oo ka gun dheer kaas aynu xusnay! Idinkaan idiin dayn

Isku soo wada duuboo “taariikhdu waa mudan waa jire markhaati leh”

 

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi Email: Liibaanhanad79@gmail.com