“Cali Warancade Tolow Yuu U Hanjabayaa, Waa Hadii Aan La Is Aqoon ”. Muj. Xamarje

0
69

“Cali Warancade Tolow Yuu U Hanjabayaa, Waa Hadii Aan La Is Aqoon ”. Muj. Xamarje

 

 

xamHargeysa(Waaheen) Siyaasiga Axmed Xaaji Cabdilaahi ‘Xamarje’ oo ka mid ah Saaraakiisha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa su’aal galiyay suura-galnimadda inay fusho hanjabaad uu shalay  Wasiirka arimaha gudaha Somaliland u diray Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo Beesha caalamka, Xili ay si weyn u sii kala fogaanayaan Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageerta taabo-galinta Dimuqraadiyada Somaliland lagu majirto iyo Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo.

 

Xamarje  oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ka ayaa Naqdiyey hanjabaada Wasiir warancade waxaanu ku tilmaamay mid aan dhaafsiisnayn Afka, waxaanu hoosta ka xariiqay in lays yaqaano oo aanay jirin cid cid u hanjabi karta.